Qof kasta oo blog leh ama raba inuu wax ka barto blogging inuu fahmo SEO waxay u tahay lagama maarmaan. SEO waxay saldhig u tahay horumarinta website kasta si uu u gaaro dad badan, la’aanteedna website-ku horumar ma sameeyo. Sidaa daraadeed qormadan waxaan si fiican ugu faahfaahin doonaafahanka waa maxay SEO iyo muhiimadiisa, siduu u shaqeeyo, iyo sida loo hormurin karo SEO-ga website kasta.
WAA MAXAY SEO?
SEO waxaa laga soo gaabshay Search Engine Optimization waana habka kor loogu qaado sida website uu oga soo muuqan lahaa bogga hore ee Google. Si kale hadii loo dhigo, SEO waa habraac lugu horumariyo sidii website looga heli lahaa internet-ka.
Website-kasta waxaa u muhiim ah inuu helo dad badan oo soo booqda. Si booqdayaashaas badan loo helana, waxaa la isticmaali karaa labo hab midkood. Midka koobaad waa in xayiisiin lacag lugu bixiyo sida Facebook ads iyo Google ads si ay website-kaaga dad badan u gaarsiiyaan. Habka labaadna waa in la horumariyo SEO-ga websiteka si uu Google dad badan u gaarsiiyo si lacag la’aan ah.
Macnaheedu waa SEO inay tahay qaab aad xayiisiin lacag la’aan ah oga helaysid Google!
WAA MAXAY MUHIIMADA SEO?
Muhiimada ugu wayn SEO waa inaad heshid dad badan oo kuugu soo xirma qaab ‘free’ ah ood ka heshid search engines ka sida Google, Bing, Yahoo iwm. Laakiin ka ugu muhiimsan waa Google maadaama uu yahay search engine-ka aduunka ugu wayn oo maalintii wax la waydiiyo in kabadan 8.5 billion oo jeer!
Halkan ka sii akhri: sidee blogging lacag looga sameeyaa
SIDEEY U SHAQEEYAAN SEARCH ENGINES KU?
Tusaale hadii aad Google waydiisid suaasha ah ‘what is SEO’ wuxuu hayaa kumanaan xog ah oo ku saabsan suaashan. Xogtaa wuxuu ku sameeyaa ‘indexing’ oo ah inuu kala shaandheeyo. Kadibna wuxuu u sameeyaa ‘ranking’ oo ah inuu u soo hormariyo natiijada uu algorithm-ku u arko inay tahay mida ‘ugu fiican’. Markaa ayuu xogtaa Google kusoo bandhigaa bogagiisa hore. Kadibna qofku xogtaa mid ayuu qofku dortaa gaar ahaan sadexda u horaysa midkood.
Hadii xogtaada ay sadarada hore ee bogga Google kasoo muuqato, macnaheedu waxaa weeye in booqashada website-kaaga ay badato taasoo keenaysa in dakhligaagu bato.
Ka akhriso halkan sidee Google AdSense lacag looga sameeyaa
SIDEE LOO HORUMARIYAA SEO?
Qaabka ugu fiican ee lagu hormarin karo SEO waa in kor loo qaadaa tayada xogta iyo maqaalada uu soo gudbinayo qofku. Google wuxuu tixgalin dheeri ah siiyaa xogta ah mid dhamaystiran. Markasta ooy qormadu tahay mid sifiican u habaysan oo sifudud loo akhrin karo, Google wuxuu siiyaa ranking sare.
Waxyaabaha kale oo website ka guduhhisa laga qaban karo si kor loogu qaado soo muuqashada website-ka waxaa ka mid ah:
Title optimization: bog kasta waa inuu lahaadaa ciwaan fiican oon ka badnayan 70 eray.
Meta optimization: waa qoraalka ka hooseeya title ka ahna midka uu badanaa Google isticmaalo markuu so bandhigo qormadaada. Waa inaad isku day intii karaan kaaga ah inaad sifiican u qortid adoo kusoo koobaya wuxuu qoraalku ku saabsanyahay.
Image optimization: Google wuxuu awooda saaraa sawirada. Waa muhiim inay yihiin kuwo si fudud kusoo kacaya lehna title sax ah.
Page speed optimization: markasta uu xawaarah website-ku fiican yahay waa markasta oo uu Google indexing fiican ku sameeyo.
Ka akhriso halkan sidee online ka lacag looga sameeyaa