Shaqadaadu ma aha isha kaliya ee dakhli ka samayn kartid. Waxaa jira qaabab ka baxsan shaqadaada ood dakhli dheeri ah oga heli kartid qaab passive income ah. Hadaba waa maxay passive income, sidee lagu dhisan karaa, muxuuse kaga duwanyahay active income? Su’aalahan iyo kuwa kaleba ayaad jawaabahooda ka baran doontaa qormadan faahfaahsan. Sii akhri si aad u wada ogaatid.
Waa Maxay Passive Income (Dakhli Dadban)
Passive income waa dakhli ku soogalaya adigoon u baahnayn markasta inaad shaqo iyo waqti si joogto ah u bixisid. Si kale, passive income ama dakhli aan la kasban(unearned income) waa dakhli helidiisu u baahanytahay shaqo aad u yar.
Hase yeeshee, dakhliga dadban si loo sameeyo marka hore wuxuu u baahanyahay dadaal iyo waqti badan. Ama adigu aad ka shaqaysid ama qof kale aad shaqaalaysidba markasta bilowga wuxuu u baahanyahay shaqo iyo waqti badan. Mararka qaar inaad miraha dadaalkaaga aragtid waxay qaadan kartaa mudo, laakiin ugu danbayn wuxuu noqonayaa mashruucaasi mid dakhli badan si joogto ah kuugu soo xareeya. Tusaale YouTube hadii qof leeyahay lacagna uu ka sameeyo, marka hore waxa uu galinayaa muuqaalada samayntooda waqti iyo juhdi badan.
Laakiin mudo ka dib muuqaladas waxay u noqonayaan il uu dakhli dadban oga helo si joogto ah asagoon wax shaqo ah qaban. Marka samaynta mashruuc passive income ah oo guulaysta samayntiisu waa arin u baahan sabir iyo dulqaad badan. Dad badan sababtaysan ugu guulaysana waa in ay moodaan in marka horeba si dhib la’aan ah lacag lagu helayo. Dad badana inay howl sii wadaan ayakoon wax natiijo ah ka helayn ma awoodaan. Laakiin qofka raba inu dhisto mashruuc passive ah waa inuu diyaar u ahado inuu mudo dadal wado asagoon natiijo wayn u jeedin.
Ka akhriso halkan sida ahdaaf loo dagsado loona gaaro
Waa Maxay Faa’iidada Passive Income
Passive income wuxuu leeyahay faa’iidooyin aad u badan. Faa’idada ugu wayn waa in passive income aad ku gaari kartid xorriyad dhaqaale iyo madax banaani. Waxaad kaloo ku helaysaa firaaqo iyo waqti dheeri ah oo badan. Waxaad awoodaa inaad lacag samaysid adigoon si firfircoon u shaqaynayn. Taasoo kuu ogolaanaysa inaad waqti u heshid howlaha kale ee kuu muhiimkaa sida waqti la qaadashada qoyska iyo asxaabta, safarka iyo wixi lamid ah.
Passive income waxay kaloo kuu ogolaanaysaa in hadii aad shaqadaada joogtada ah waydid aad leedahay ilo kale oo dakhli oo kuu shaqaynaya taasoo kaa ilaalinaysa inaad meel cidlaa ku soo dhacdid hadii aad shaqadaada waydid oo shaqo la’aan noqotid.
Sidoo kale dakhliga dheeriga ah ood ka heshid passive income waxaad u isticmaali kartaa inaad noloshaada ku horumarisid, ganacsi ku bilowdid hadad rabtid, maalgashi ku samaysi iyo wixi kaloo kuu muhiim ah.
Runtii inaad leedahay ilo dhaqaale oo passive ah aad bay muhiim u tahay sababtoo ah waxay si fudud kugu soo galinaysaa dakhli dheeri ah ood ku horumarin kartid noloshaada.
Halkan ka akhriso 5 mashruuc oo passive income ah ood si fuddu ku bilaabi kartid
Farqiga u dhexeeya passive income & active income
Active income ama earned income( dakhli la kasbaday) waa dakhli kasta oo si aad u heshid aad u baahantahay inaad si joogto ah oga shaqaysid.
Waa lacag helideedu ku xirantahay inaad waqti iyo shaqo si joogto ah u galisid. Tusaale mushaarka uu qofku qaato helidiisu waxay ku xirantahay in qofku si joogto ah u shaqeeyo si uu u helo. Shaqooyinka sida macalinimo, dhaqtarnimo, darawalnimo, looyarnimo iyo wixii lamid ah waa dakhliga laga helo waa active income. Taas macneheedu waa in waqtigaagu aad ku badalanaysid lacag. Hadii aad saacadihii la rabay aad shaqaynina mushaarkaad helaysay lagaa jaran karo.
Taa cagsigeeda, dakhliga dabdabn waxaad ku helaysaa xoriyad balaaran iyo isku-filnaansho dhaqaale in kaban intaad ka helaysid dakhliga firfircoon. Waxaad dakhli aan kala go’o lahayn aad helaysaa adigoon dadaal joogto ah bixinayn ee kaliya marka hore waqti iyo juhdi iyo lacag bixinaya.
Laakiin taasi macneheedu maahan in passive income lagu samaysan karo maalin gudeheed ama si aad u howl yar. Maya! Sida aan soo sheegnay, marka hore passive income samayntiisu waxay u baahantahay dadaal iyo waqti badan. Laakiin markuu guulaysto wixii ka danbeeya kaagama baahna wax shaqo dheri ah oo joogto ah. Halka active income si aad u heshid aad maalinkasta shaqo qabanaysid, passive income waxaad shaqada badankeeda qabanaysaa hal mar oo ah bilowga kadibna miraha dadaalkaaga ayaad ku raaxaysanaysaa.
Ka akhriso halkan qaabka freelancing loogu shaqaysto si xor ah dakhlina looga sameeyo