WAA MAXAY GRAPHIC DESIGN?

WAA MAXAY GRAPHIC DESIGN?

Mid kamid ah xirfadaha ugu shaqada badan online-ka looguna baahi badanyahay waa Graphic Design. Sidoo kale waa xirfad aas aas u ah horumarka ganacsiyada casriga ah. Hadaba waa maxay muhiimada graphic design, sidee lagu baran karaa looguna shaqaysan karaa? Waydiimahan iyo kuwo kale ayaan oga jawaabi doonaa qormadan.

WAA MAXAY GRAPHIC DESIGN?

Graphic Design waa xirfada abuurida sawiro ama muuqaalo soo jiidasho leh kuwaas oo lagu gudbinayo fariin iyadoo la adeegsanayo farshaxan quruxoon.

Hadafku waa in fariin ama xog muhiim ah si qurxoon dadka loogu gudbiyo si ay si fudud ugu fahmaan oo u xasuustaan. Marka graphic design waxa lagu soo koobi karaa:

The organization and presentation of information developed through a creative process for a particular purpose.

Gareth David

Graphic design wuxuu leeyahay shuruuc loo yaqaan “principles of design” kuwaasoo laga dhex helo naqshad kasta oo si fiican loo farsameeyay. Hadaba si loo hal abuuro naqshad wanaagsan, waa in si fiican loo dhaqan galiyaa shuruucda design-ka sida:

  • Colour: in la doorto labo ama sadex midab oo is qaadanaya waxay ka dhigtaa naqshada mid qurxoon
  • Typography ama farta: macnaha ay erayadu leeyihiin waxa ka dheeri ah qaabka iyo style-ka farta loo qoro oo ayaduna macno dheeri ah gudbisa
  • Balance: isku dheeli tirida qaybaha kala duwan ee naqshada ayana waa muhiim
  • Emphasise: in qaybaha design-ka ugu muhiimsan si gaar ah loo muujiyo waxay fududaysa gudbinta fariinta guud ee naqshada
  • Size: in cabirka saxda ah lagu sameeyo naqshad kasta ayana waa muhiim

FAAIIDADA GRAPHIC DESIGN

Xirfadan graphic design qofkii barta waxay ka dhigaysaa qof hal abuur heer sare ah leh oo awooda inuu fikrad kasta oo maskaxdiisa ku jirta kusoo gudiyo qaab farshaxan ah oo la fahmi karo. Waxa kalooy ka dhigtaa qofka mid u fiirsasho badan oo design-kasta uu arko si qoto dheer u qiimeeya. Waxaa kaloo ku dhiiri galisaa in uu abuurista Alle si xeel dheer ugu fikiro oo uu ku tafakuro ama ku tadaburo sida cajiibka ah ee Ilaahay u farsameeyay samooyinka, dhulka, buuraha, xayawaanada, aadanaha iyo makhluuqaadka kale ee Ilaahay abuuray.

Intaa kasokoow, qofku wuxuu u isticmaali karaa xirfadan hadii uu ganacsi ama blog leeyahay wuuna ku hormarsan karaa intuu qof kale lacag ku siin lahaa. Wuxuu u isticmaali karaa naqshadaynta webseedyada, documents-ka, xayiisiimah iyo dhamaan wixii kale oo u baahan design.

SHAQOOYINKA GRAPHIC DESIGN

Xirfadan graphic design waa mid shaqooyinkeedu aad u soo badanayeen mudooyinkii danbe maadaama ganacsiyada online-ka ah soo badanayeen. Sidoo kalena xayiisiimihii loo raray social media iyo online ka oo tii qadiimiga ahayd laga sii guurayo.

Shaqooyinka graphic design-ka waxaad ka heli kartaa shirkado badan oo wadanka ku yaala oo u baahan designers. Laakiin qaabka ugu fudud oo xirfadan loogu shaqaysan karo waa inaad ku shaqaysid qaab freelancing ah. Waxaa jira websites badan ood ka heli kartid graphic design jobs kan ugu caansana waa Fiverr. Si aad si fudud ugu baratid sida freelancing loogu shaqaysto, halkan ka aqriso.

Waxaa kamid ah shaqooyina graphic design:

  1. Logo Design: waa shaqada ugu balaaran waxaana ganacsiyada iyo shirkadaha loogu diyaarshaa loogooyinka
  2. Web/App Design: waa naqshadaynta webseedyada, apps-ka, softweerada iyo barnaajimyada kale ee internet-ka lagu isticmaalo hadafkuna waa in laga dhigo barnaamijyada kuwo soo jiidasho leh oo si fudud loo isticmaali karo
  3. Advertisement Design: waa diyaarinta xayiisiimaha lagu soo gudbiyo baraha bulshada, tiifiiyada, boorarka wadooyinka iyo laamiyada la dhigo iyo qaababka kale ee xayiisiimaha ee offline-ka ah.
  4. Print Design: waa naqshadaynta documents-ka la daabaco sida buugaagta, wargaysyada iyo qormooyinka kale ee la daabaco.
  5. Packaging Design: waa diyaarinta naqshadaha badeecooyinka loo sameeyo si looga dhigo kuwa soo jiidasho leh oo ku dhiirigaliya macmiisha inay gataan alaabta.

SOFTWEERADA LOO ADEEGSADO GRAPHIC DESIGN

Waxaa jira softweero badan oo lagu qabto howsha naqshadaynta laakin waxaa ugu tayo fiican kuwa shirkada Adobe oo loo adeegsado qaybaha kala duwan ee designka. Kuwa aas aaska u ah waa sadexdan kala ah:

  • Adobe Photoshop
  • Adobe Illustrator
  • Adobe InDesign

Sadexdan waa kuwa ay isticmaalaan badanka dadka professional designers-ka ah barashadooda iyo isticmaalkooduna way fududyihiin.

Inkasta oy jiraan sooftiweearadan, hadana baryahan danbe waxa jira website aad u caan baxay oo ka dhigay shaqada design-ka mid aad u fudud. Waana websiteka la dhaho Canva. Waa mid ay iskumid ugu riyaaqeen dadka bilowga ah iyo kuwa professional ka ahba. Sababtuna waa maadaama isticmaalkiisu aad u fududyahay inaad designs qurxoon aad daqiiqado ku diyaarin karto adoon howl badan qaban. Halka ay softwerada kaa qaadan karto saacado inad ku diyarisid design fiican hadii aad tahay bilow.

GUNAANAD

Graphic design waa xirfad aad u muhiim ah qofkii bartana uu wax badan ku faaiidi doono. Waana xirfad si fudud qofku ugu shaqaysan karo Fiverr qaab freelancing ah. Meesha ugu fiican ee si free ah loogu diyaarin karo naqshado fiican waa Canva.

Halkan ka baro sida aad Fiverr oga shaqaysan kartid xirfada graphic design.