Dropshipping waa hab ka mid ah hababka badan ee online ka lacag looga sameeyo. Waa ganacsi waayahan danbe si xawli leh u kobcayay. Waana ganacsi qofku meel kasta oo uu joogo u ka shaqaysan karo oo uusan wadan xadidayn. Fursadan waa mid ay dad badan ka faaiidaysteen ooy qaarkood boqolaal kun ka sameeyaan bil kasta kadib markay mudo ku dhexjireen oo si fiican u fahmeen. Hadaba waa waa maxay dropshipping? xalaal mise xaaraam? Qaabkee looga shaqaystaa iyo waydiimo kale ayaad jawaabahooda oga bogan doontaa qormadan InshaAllah.
WAA MAXAY DROPSHIPPING?
Dropshipping waa ganacsi aad furanaysid dukaan online ah kadibna aad ku iibinaysid badeeco. Intaadan is waydiin halkeen badeeco ka helayaa, ogow ganacsigan uma baahnid inaad wax badeeco ah adigu gacanta ku haysid ama samaysid. Hadaba sideed wax u iibinaysaa hadaanad badeeco haynin? Halkan weeye halka uu dropshipping oga duwan yahay ganacsiyada kale ogana fiican yahay.
Qaabka aad badeecada ku helaysid waa inaad heshiis la gashid shirkada inaad alaabteeda u iibisid. Kadib waxaad samaysan store ama dukaan online ah ood alaabta shirkada kusoo bandhigtid. Markaad store-ka samaysid ood alaabta soo galisid, alaabta waxaad u samayn xayiisiin si ay dadku u arkaan markay arkaan way soo dalban alaabta. Markaa alaabtii la soo dalbaday iyo xogtii macmiilka ayaad u gudbin shirkada. Markaa shirkadu alaabtii ayay qofka ugu gayn hadba meesha uu joogo.
Qofka dukaanka leh shaqadiisu waa inuu store quxoon samaysto, shirkad supplier fiican ah xiriir la samaysto, alaabta uu iibinayo go’aansado oo dukaanka kusoo bandhigo. Kadibna uu ka shaqeeyo siday dad badan kusoo booqan lahaayeen website-kiisa markaasna alaabtay dalbadaan uu u gufbiyo shirkada.
Hadaba qofku qaabkee buu faaiido ku helayaa? Alaabta uu iibinayo qofku wuxuu ku iibinaya qiime ka sareeya qiimaha shirkada alaabta iska leh farqiga soo hara waxay noqonaysaa faaiidadiisa. Waxa si fiican loogu fahmi kara tusaale marka aan tusaalayno.
TUSAALE DROPSHIPPING
Waxaad rabtaa inaad iibisid alaab ah skin care products. Kow waxaad la xiriiraysaa company haya alaabtaan. Kadib alaabta ayaad soo galinaysaa store-kaaga adoo sawirada iyo dhamaan xogta alaabta soo raacinaya. Kadib xayiisiin ayaad ugu samaynaysaa Google, Facebook iyo meeshi kale ood jeclaysatid. Hadii shirkadu ku iibinaysay shayga $10, waxaad ku iibinaysa tusaale $30. Markii qofku soo dalbado alaabta, waxaad alaabta la dalbaday iyo xogta macmiilka dalbaday u gudbinaysaa shirkada. Kadib shirkadu waxay u gaynaysaa alaabta qofka dalbaday adigana waxay kaa qaadanaysaa $10 ee alaabta adiguna waxaad la haraysaa $20 ee faaiidada. Hadaad bishii 30 shay oo kaliya aad gadid, waxaad helaysaa $600 oo faaiido ah.
ka akhriso halkan qaabab kale oo online lacag looga sameeyo
FAAIIDADA DROPSHIPPING
Shaqada qofku qabanayo waxaa laga yaaba inay u muuqato mid badan laakiin runtii shaqada badankeeda inta ugu muhiimsan waxaa qabanaya shirkada alaabta leh. Faaiidooyinka ganacsigana waxaa kamid ah:
• Uma baahnid inaad alaab haysid adigu ood bakhaar ku kaydisid
• Sidoo kale uma baahnid dhaqale badan inad ku bilowdid
• Alaabta uma baahnid inaad u gaysid macmiilka ood packaging iyo delivery samaysid
• Wixii customer care ah waxa la waregaysa shirkada alaabta u gaynaysa
SIDEE LOO SAMAYSTAA DUKAAN ONLINE AH
Waxaa jira meelo badan oo store laga samaysto laakiin midka ugu caansan oo dunida dhan laga isticmaalo waa Shopify. Waxaad ka dhex samaysan kartaa store qurxoon oo la xiriira prodictiga aad gadaysid. Waxay kaa qaadayaan khidmad bile ah waxayna leeyihiin 14-day free trial oo qofku ku qiimayn karo. Si qofku u horumariyo store-kiisa waxaa muhiim ah inuu wax ka yaqaan social media marketing gaar ahaan xifada google ads iyo sida loo sameyo maadaama uu yahay qayta ugu muhiimsan.
DROPSHIPPIN XALAAL MIYAA MISE XAARAAM
Dadka qaar waxay sheegaan dropshipping inuu xaaraam yahay iyago daliilsanaya xadiiska Nabiga(NNKH) marka uu yiri
“Ha iibin wax aadan haynin.”
Tirmidi, No. 1232
Maadaama dropshipping aad iibinaysid waxaadan haynin waa xaaraam bay dhahaan. Laakiin waxaa jira xadiis kale oo Nabiga(scw) ka sugnaaday oo ah
“The Prophet came to Medina and the people used to pay in advance the price of dates to be delivered within two or three years. He said (to them), ‘Whoever pays in advance the price of a thing to be delivered later should pay it for a specified measure at specified weight for a specified period.”
Marku nabiga NNKH uu yimid magaalada madina, waxaa jirey dad si hor maris ah u iibsadey timir labo ilaa sadex sano adib oo keenayo. Wuxuu ku yiri, qof kasta oo si hormaris ah lacag u bixiyey badeeco waadanbe loo keenayo, waa in uu qeexaa ama cabiraa culayska iyo waqtiga uu sheygaas looo keenayo. BUKHARI NO: 2239
Markii xadiiskan loo fiirsho, dropshipping wuxuu noqonayaa xalaal wana bayc ansax ah oo lagu magacaabo baycu salam. Si uu xalaal kuugu noqdo dropshipping waa inaad dhowr shay iska xaqiijisaaa
• Alaabta aad iibinaysid xogteeda oo faahfaahsan aad soo raacisid si qofka wax gadanaya 100% u ogaado waxa uu gadanayo
• In aysan alaabtu xaaraam ahayn
• Waqtiga inaad cadaysid la helayo alaabta
• Supplier ka inaad kula heshiisid inuu alaabta garsiiyo macmiilka dalbaday waqtigii lagu heshiisay oo hadii aad macmiilka ku tiri alaabta waxaad helaysa 7 bai gudahood, waa in waqtigaa lagu gaarsiiyaa ooysan ka dib dhicin.
GUNAANADKA
Runtii ganacsigaan waa mid aad u faaiido badan hadada rabtid inaad bilowdidna waxaad si fudud onlineka oga heli kartaa dhamaan xogta aad u baaantahay si aad u bilowdid. Waxay u baahantahay waqti inuu gasho qofku xirfadna u leeyahay wuxuu samaynayo. Ganacsigan waa mid dhalinyaro badan ka dhigay milyineero qofkii ku dhabar adaygana waa hubaal inuu ka miro dhalin karo. Waxaan rajaynayaa inaad qormadaan ku fahantahay dropshipping iyo sida loogu shaqaysan karo.
Ka akhriso halkan qaabka ecommerce anacsi loo samaysto.