Waa Maxay Cryptocurrency Iyo Blockchain?

Waxaa laga yaabaa inaad in badan maqashay erayga cryptocurrency aadna is waydiisay waxa laga wado macnihiisa. Ama waxaa laga yaabaa in xoogaa xog ah aad ka haysid laakiin aadan fahan fiican ka haysanin. Siday ahaataba, qormadan waxaan kugula wadaagayaa sharaxaad faahfaahsan oo ku saabsan waa maxay cryptocurrency iyo blockchain si aad ula jaanqaadid caalamka casrigaa.

Waa Maxay Cryptocurrency?

Cryptocurrency waa lacag digital ah oo macnaheedu yahay waxay u shaqaysaa kaliya qaab electronic ah. Waxay lamid tahay lacagaha digital-ka ah ee hadaan Soomaali nahay badankeenu aan aadka u naqaan sida EVC-PLUS, E-dahab, Zaad, iyo kuwa lamidkaa sida Mpesa. Waa digital sida lacagahaas oo kale. Laakiin hal shay oo muhiim ah ayay kula duwan yihiin.

Lacagahaas aan sheegnay sida Evc-Plus waxa maamula shirkadaha bixiya iyo dawladaha. Halka crypto aysan jirin cid gaara oo maamusha. Taasina waa astaanta ugu wayn ee ay oga duwantahay lacagaha kale oo dhan.

Lacagahan crypto waxaa loo isticmaali karaa in wax lagu kala iibsado qaab digital ah sida lacagaha caadigaa. Waxaa kaloo loo isticmaali karaa kayd ahaan.

Sidoo kale crypto waxay ku shaqaysaa nidaam decentralised ah, macnaheedu yahay in wax gacan sadexaad ah aysan saamayn ku layayn. Ma jiro bank bixiya lacagtan. Ma jirto dawlad iyo hay’ad kale oo maamusha. Waa lacag digital ah oon u baahnayn bank ama dawlad si ay u xaqiijiso kala badalashadeeda.

Sidee u Shaqaysaa Crypto?

Hadaba hadaysan jirin wax dawlad iyo awood gaara oo maamusha, sidee la iskugu halayn karaa? Miyuusan qofkasta suu rabo ka yeeli karin? Laga yaabee inaad su’aalahaas is waydiinaysid. Aan kaaga jawaabo.

Cryptocurrency waxa ku shaqaysaa nidaam la dhaho peer-to-peer system. Waa nidaam ka kooban boqolaal kun oo kumbuyuutaro ah oo duniada daafaheeda kala yaal. Waxay dhamaan ka shaqeeyaan inay xaqiijiyaan amniga iyo adeegsiga crypto. Transactions-ka waxaa lagu diiwaan galiyaa public ledger taas oo qofkasta arki karo, waxna aan laga badali karin. Sidaa daraadeed wax isdaba marin way adagtahay. Qof hacker ahna wax kama dhici karo.

Maxaa Laga Wadaa Erayga ‘Cryptocurrency’

Erayga ‘cryptocurrency’ wuxuu ka koobanyahay laba eray oo la isku daray. Crypto+currency.

Crypto waxa laga wada cryptography oo ah adeegsiga nidaam xisaabeed horumarsan si loo xaqiijiyo amniga lacagta. Currency ayana macnaheedu waa lacag.

Sidee Loo Sameeyaa Cryptocurrency

Nidaamka lagu sameeyo cryptocurrency waxaa loo yaqaan mining. Waxaa jira computers xaqiijiya saxnaanta kala badalashada crypto. Waxay xaliyaan complex mathematical problems si ay verify u dhahan transaction kasta. Maadaama ay tahay shaqo adag waxaa loo baahanyahay computers waawayn oo hardware gooni ah leh. Waxayna isticmaalaan tamar iyo koronto aad u fara badan.

Hadaba kumbuyuutaradas markay howshaa qabtaan waxay abaalmarin u helaan crypto cusub. Taasina waa sida loo abuuro crypto cusub. Markay kombuyutaradaas waawayn oo awood badan isticmaalaya ay xaliyaan masa’alooyinkaa kadib ayay helaan crypto. Qof kasta ma awoodo inuu sameeyo shaqada mining-ka maadama ay aqoon iyo qalab sare u baahantahay.

Ka akhriso halkan sida loo maalgashto cryptocurrency.

Waa Maxay Blockchain?

Cryptocurrency waxay ku dhisan yihiin tiknolajiyada Blockchain.  Transactions-keeda ama xogta kala badalashada lacagahan waxaa lagu kaydiyaa blockchain.

Blockchain waa database ku kaydsan computers kala duwan kaasoo kaydiya xogta dhamaan kala gadashada crypto.

Si kale hadaan u dhigno, blockchain waa digital ledger ama nidaam xog kaydin oo ku kala baahsan computers badan. Waxay xogta u kaydiyaan qaab chains ah ⛓️ ama silsilado isku xiran. Chain kasta waxaa ku jira xog transaction waxayna ku xariirsantahay ka hore. Taasi waxay samaynaysaa nidaam amni ah oo hufan oon waxba laga badali karin

Qaabkee Blockchain u Shaqeeyaa?

Marka qof dirayo ama helayo crypto, transactions-ka ayaa lagu baahiyaa kumbuyuutarada oo dhan. Miners (dadka transactions-ka xaqiijiya) ayaa ka dib ansixiya transactions-ka kuna diiwaan galiya blockchain-ka. Xogta transactions-kaas waxba lagama badali karo.

Faaiidada Blockchain

Faaiidada u wayn ee blockchain waa inuusan u baahnayn awood dibada ka ah si loo xaqiijiyo transactions-ka. Adeegsadayaashiisa ayaa qabta shaqadaas. Taasina waxay meesha ka saaraysaa dawlada ama awood kale inay saamayn ku yeelato shaqadiisa.

Faaiidada labaad ee ugu wayn waa in blockchain-ku ku baahsan yahay kuna kaydsan yahay computers kala duwan. Taasi waxay meesha ka saaraysaa in hacking lagu sameeyo ama ay tuugo ay wax ka lunsadaan. Si transaction loo sameeyo waa inay dhamaan computers ku isku waafaqan saxnaantiisa. Qofka raba inuu wax xado inuu hal mar wada badalo xogta kumanaan computers way adagtahay ama waa impossible.

Faaiido kale waa in uu yahay transparent. Xogta dhamaan transactions-ka waa mid public ah qof kastana access u haysto. Taasi waxay meesha ka saaraysaa wax is daba marin. Qofkasta wuxuu crypto diray ama loo soo diray waa la fiirin karaa. Website-ka blockchain.info waxaad ka heli kartaa dhamaan transactions-ka bitcoin.

Faa’idooyinka Cryptocurrency

Faaiido kale waa inay tahay lacag global ah. Sidaa daraadeed uma baahnid inaad ka fikirtid safir qalaad iyo bixinta khidmad iyo wax lamid ah.

Ka akhriso halkan 10 kan ugu fiican ee crypto la maalgashto

Faa’iidooyinka Crypto

1.Privacy (Khusuusiyad) – Markaad gadasho ku samaysid crypto, uma baahid inaad xogtaada shaqsiga a cidna la wadaagtid.

2. Security (Amni) – transactions-ka amnigoodu aad buu u suganyahay waxaana lagu sugaa nidaamka cryptography.  Taasi waxay ka dhigaysaa mid adag ama aysan suurto gal ahayn in cid kale si qalad ah wax oga badasho.

3. Decentralisation (baahsanaan) ma jirto awood maamusha crypto. Taasi waxay meesha ka saaraysaa qataraha ka imanaya mamulka dowladaha iyo inay siday rabaan ka yeelaan.

4. Anonymity (khusuusiyad) – markaad crypto adeegsanaysid uma baahnid inaad xogtaada shaqsigaa cida la wadaagtid.

5. Accessibility (helida) – crypto waxaa adeegsan kara qof kasta oo internet haysta. Taasi waxay u fududaynaysa adeegyada maaliyada dadka aan bangiyada haysan.

Tusaale qof jooga tuulo Soomaaliya ah aya wuxu haystaa internet laakiin wax adeeg bangi ah ma haysto. Qof ehelkiisa ah oo dibada jira ayaa raba inuu lacah ugu soo diro si dagdag ah. Nidamka qadiimiga ah uma sahlayo inuu qofkasi si dagdag ah lacagta ku helo. Laakiin haday crypto adeegsanayaan daqiiqado ayay lacagta kala helyaan.

Caqabadaha Cryptocurrency

1. Volatility – qiimaha crypto aad bay isku bad-badalaan. Taasi waxay sababtaa in qiimahoodu si joogtaa ay isku bedelaan. Waxaa laga yaabaa in $100 ood ku maalgashatay ay noqoto $300 maalin, maalinta ku xigtana $40. Sidaa daraadeed, qof kasta waxaa lagula taliyaa inuu ku maalgashto lacag uu ka maarmi karo oo haduu qasaaro aysan ku waynayn.

2. Adoption – in kasta oo hada ay sii siyaadayaan adeegsigoodu, ganacsiyo iyo shaqsiyaad badan ayaa ka laba-labeeya isticmaalka crypto. Tasi waxay xoga xadidaysa adeegsigeeda.

Gabagabo