Xitaa hadii aadan ogayn blog wuxuu yahay, waxaa shaki la’aan ah inaad horay u aragtay. Maanta waxaa jira in kabadan 590 milyan oo blogs. Hadaba waa maxay blogging?
Blog waa nooc website ah oo qof ama koox dad ah ay kusoo gudbiyaan qoraalo taxane ah kuwaas oo kusaabsanaan kara mowduucyo kala duwan ama hal mowduuc. Mowduucyada lagu soo gudbiyo waxaa kamid ah wararka, siyaasada, caafimaadka, dalxiisyada iyo qaybaha kale ee aqoonta.
Ka akhriso halkan qaabka blog loo samaysto
Blogging waa xirfadaha uu qofku u baahanyahay si uu u maamulo qormooyina ugu soo gudbiyo blog. Qofka qoraalada soo galiya waxaa la yiraahdaa blogger qormooyinka uu soo galiyana waxaa la dhahaa blog posts. Marka blog waa goob uu qof dadka kula wadaaago wixii xog ama afkaar ah kuwaas oo loosoo bandhigo qaab reverse chronological ah ama xogtii u danbaysay ay u soo hormarayso.
Blogging waxaa isticmaala shirkadaha qaar si ay dad badan ugu soo xiraan ganacsigooda ama waxaa isticmaala shaqsiyaad si ay u samaystaan magac aqoonsi ama personal brand kaas oo hadii uu noqdo mid caan noqdo oo dad badan gaara, qofka iska leh uu ka samayn karo lacag badan. Xirfada blogging-ku waa mid kamid ah xirfadaha aduunka ugu lacagta badan oo dad badan sanadkii ka helaan maalaayiin doolar.
FARQIGA U DHEXEEYA WEBSITE IYO BLOG
Blog waa nooc website ah laakiin website kasta ma aha blog. Ma ku wareertay? Ha layaabin dad badan uma kalasaarna labadooda waxayna u arkaan isku mid. Bloggu waa website si joogtaa ugu baahan in wax lagusoo gudbiyo ama update lagu sameeyo. Sido kale bloggu wuxuu leeyahay qaab aqristayaashu ay faalooyinkooda iyo fikradohoodu usoo gudbin karaan. Laakiin website wuxuu ka koobanyahay pages badanaa xogtooda an wax laga badalin oon update u baahnayn.
Sii akhriso: qaabkee blogging lacag loga sameeyaa
Taariikhda Blogging
Blogs ku waxay soo bilowdeen dhamaadka 90-meeyadii. Blogii u horeeyay waxaa la sameeyay 1994. Website-ka caanka ah ee Blogger.com ayaa la sameeyay 1999 ooy markii danbe shirkada Google gadatay 2003. Isla sanadkaa WordPress ayaa la sameeyay. Erayga blog waxaa laga soo gaabshay “weblog”.
Waxaan filayaa inaad hada fikir guud ka haysatid waa maxay blogging iyo blogs waxay yihiin. Wixii comment ah hoos nagula wadaag.
Ka akhriso halkan qaabkee AdSense lacag looga sameeyaa