WAA MAXAY AFFILIATE MARKETING?

Maanta waxaa jira qaabab badan oo online-ka looga shaqaysan karo adoo gurigaaga jooga aadna ka abuuran kartid dakhli fiican. Mid kamid ah qaababkaas waa affiliate marketing. Si aad ugu guulaysatid xirfadan, waa inaad marka hore fahan ka haysatid waa maxay affiliate marketing iyo sida uu shaqeeyo.

WAA MAXAY AFFILIATE MARKETING

Affiliate marketing waa nooc ganacsi ah oo dad kale badeecooyinkood aad xayiisiinaysid. Hadii ay dadku gataana aad ka helaysid lacag loo yaqaan commission. Adiga shaqadaadu waa inaad dadka gaarsiisid badeecada adoo adeegsanaya website ama baraha bulshada kadibna aad ku dhiirigalisid inay gataan alaabta. Alaabta aad iibinaysidna waxay noqon kartaa physical sida dawo, bug iwm ama waxay noqon kartaa digital sida online course, ebook, software iwm.

Lacagta aad ka helaysid alaabta markay dadku gataan waxaa go’aamiya qolada iska leh alaabta waxayna noqon kartaa 10% – 85% qiimaha badeecada. Markasta uu bato commission rate-ka waxa badanaya lacagta aad helaysid. Muhiimada ugu jirta shirkadaha iska leh badeecada waa in ay heleyaan suuq gayn aad u balaaran oo gaarsiin karta inay maalintii helaan kumanaan qof oo iibsada badeecadooda. Markastoood alaabta gadid adiguna waad faaiidi ayakuna way faaiidayaan.

Sii akhri: sidee blogging lacag looga sameeyaa

AFFILIATE NETWORKS-KA UGU FIICAN

Affiliate network waa goobta aad ka heli kartid alaabaha la xayiisiin karo. Maanta waxaa jira boqolaal website oo kala duwan oo qaabilsan affiliate marketing. Qaarkood Somalia ma aqoonsana sida Click Bank oo kale. Laakiin fikradayda waxaa iigula fiican website-ka la dhaho Digistore24 oon anigu isticmaalo.

Waxyaabuhuu ku fiican yahay waxaa ka mid ah Somalia waa lagu isticmaali karaa sidoo kale uma baahnid inaad alaab kasta ood xayiisiinaysid aad codsi waydiisatid cida iska leh sida websites-ka qaarkood. Waxaad kaloo ka helaysaa nooc kasta oo product ah ood u baahatid physical ama digital. Qaarkood waxay leeyihiin commission rate aad u sareeya ood boqolaal dollar aad ka helaysid halkii qof oo gata alaabta. Markasta dooro alaab commission-keedu sareeyo dadkuna gataan. Tusaale badeecadan oo kale waa online course halkii qof oo gatana waxaad ka helaysaa $220. hadii bishii 10 qof kaa gadato, waxaad helaysaa $2,200.

Ka akhriso halkan sida dropshipping lacag looga sameeyo

SIDE LOO XAYIISIIYAA ALAABTA

Mar hadada dooratay alaabta aad suuq gayn rabtid, intaas waxay ahayd bilowgii. Hada waxaa lagaa rabaa shaqada intii u muhiimsanayd. Sidee dadka ku gaarsiinaysaa badeecada? Waxaad isticmaali kartaa website hadii aad leedahay. Hadii aadan lahayna dhib ma leh wado kale ayaa kuu furan oo ah adeegsiga baraha bulshada. Si aad social media wax ugu suuq gayso, waxaad isticmaali kartaa qaab free ah ama mid lacag ah.

Qaabka free-ga ah waa inaad baraha bulshada kala duwan sida Facebook, Instagram, X, TikTok, YouTube, Pinterest iwm aad soo dhigtid xayiisiintaada dadkuna halkaa ka arkaan.

Qaababka free-ga ah waxaa ugu fiican inaad adeegsatid Pinterest maadaama ay tahay meel aad u balaaran oo in kabadan 350 milyan oo qof ay isticmaalaan bishiiba. Umana baahnid inaad followers badan leedahay si aad dad badan u gaartid

Inkastoo qaababka free-ga ah badankoodu ku fiican yahiin qof barahiisa bulshada dad badan ku xiranyihiin, waxaad tijaabin kartaa xayiisiinta lacagta ah. Siday u shaqayso waa inaad lacag ku siisid shirkadaha waawayn sida Facebook iyo Google inay kuu suuq geeyaan alaabtaada si fududna kuugu gaarsiiyaan kumanaan qof. Mudada ay soconayso xayiisiintaadu iyo inta qof ee ay gaarayso waxay ku xirnaan doontaa lacagta aad la baxday.

Ka baro halkan digital skills muhiim ah

waxaan rajaynayaa inaad fahan fiican ka haysatid affiliate marketing wuxuu yahay. wixii faalo ah commentiga nagula wadaag.