Caalamka digital-ka ah ee maanta, fursadaha internet-ka lacag looga samayn karaa xadi ma laha. Hadaba qoraalkan kooban waxaan kuugu faahfaahin doonaa sidee online lacag looga sameeyaa kunala wadaagi doonaa afar qaab ee ugu fiican ee maanta online dakhli looga abuuran karo. Dhamaantood waa shaqooyin qofkasta oo ku dadaala uu ka meel gaari kuna guulaysan karo.
1. Blogging
Blogging waa in aad samaysatid website ama blog kaas ood kusoo qortid maqaalo (articles) ay dadku akhristaan oo waxtar leh. Waa mid kamid ah qaababka ugu fiican ee online lacag looga helo waxaana jira dad badan oo bilow ku ah blogging ka oo kumanaan dollar ka helo bishii iyo dad ka qaar oo webistes can ah leh oo sanadkii malaayiin dollar ka hela.
Qasabna maahan in website-kaagu aad u balaaranyahay si aad lacag oga samysid ee hadii ay tiro dad fiican ah soo booqdaan, hanti fiican ayaa bil kasta kaasoo gali karta. Ugu yaraan bishii 200 ilaa 500 oo dollar baad ka shaqaysan kartaa. Sidoo kale wuxuu ku fiicanyahay blogging maqaalo aad hal mar qortay ayaa kuu noqonay meel mustaqbalka dakhli fiican kaasoo galo adigoon wax shaqo ah qabanayn. Bal ka fikir arintaas sidee kula tahay?
Qaababka blogging lacagta loga sameeyo waxaa kamid ah advertising iyo affiliate marketing.
Advertising waa inaad xayiisiimo u furatid bloogaaga. Kadib markay dadku akhrinayaan qoraaladaada waxaa u soo baxaya xayiisiimo adna lacag baad ka helaysaa markasta ooy arkaan ama ku dhuftaan. Shirkada xayiisiimaha ee ugu wayn ee la isticmaalo waa Google AdSense.
Si aad u fahanto blogging sida si sax ah loogu shaqaysto, halkan ka akhri.
2. Freelancing
Freelancing waa inaad xirfadahaaga ku shaqaysatid ood iib gaysid. Shaqooyinka qof kasta ku shaqaysan karo waxaa kamid ah turjumaanimada sida English iyo Soomaali in la isku turjumo. Waxay aad kuu anfacaysaa hadii aad xirfado digital ah leedahay sida web design iyo logo design iwm. Hadii aadan xirfado badan lahayna, waa muhiim in aad baratid kuwo cusub. Aduunka manta waxa la isku dhaafo waa xirfado inaad kuwo kugu filan leedahayna waa muhiim. Saacadii waxaad ku shaqayn kartaa 5 ilaa 20 dollar ama ka badan.
Sadexda websites ee ugu caansan oo looga shaqaysto freelancing waa
Sida looga shaqaysto freelancing halkan ka baro
3. Affiliate Marketing
Affiliate marketing runtii waa ganacsi asna dakhli fiican laga helo oo hawl yarna u baahan. Hadii an ku sheego wuxu yahay waa in aad badeeco xayiisiin u samaydis adooo adeegsanaya Google ama baraha bulshada sida Facebook iyo Instagram, kadib hadii xayiisiintaada qof ku dhufto oouu gato alaabta waxaad helaysaa lacag ay ku siinayso shirkada iska lahayd badeecada. Waa hawl fudud runtii hadii aad followers badan ku leedahay baraha bulshadana way fududahay inaad dad badan gaarsiisid badeecada. Lacagta hal kii qof oo iibsada aad ka helaysidna waxay noqon kartaa 10 ilaa 150 dollar iy ka badan.
Webistes ka affiliate marketing looga shaqaystana way badanyihiin laakiin waxaa ugu caansan
- Clickbank
- Digistore24
- JvZoo
- Impact Radius
4. Ecommerce
Ecommerce waa mid ka mid ah qaababka internet-ka looga shaqaysto. Ganacsiga Ecommerce waa inaad dukaan online ah furatid si aad ugu iibisid badeecooyin physical ama digital ahba. Macmiisha aad ka iibin kartidna waxay noqon karaan kuwo caalamka kala jooga. Waxaad adeegsan kartaa websites-ka sida Shopify, WooCommerce iyo Etsy si aad u samaysatid dukaan casri ah oo online ah.
Hadii aad gadaysid physical products waxaad adeegsan kartaa dropshipping si aad badeecooyinka u gaarsiisid macmiisha.
Halkan ka akhriso si aad wax badan oga baratid dropshipping iyo siduu u shaqeeyo.
Gunaanad
Qaababka online looga shaqaysto way badanyihiin laakiin sadexdaa aan hada baratay hadii aad ku bilowdid mid ama labo kamid ah manta, mustaqbalka in badan ayay ku anfici doontaa kamana shalaayi doontid ficilka aad ku dhaqaaqday. Guul ma jirto fadhi ku timaada si aad online oga shaqaysatano sida shaqo kasto oo kale waxay u baahantahay juhdi iyo dadaal badan inaad galisid. Mari dhalkeeda danbena wa mid aad in badan u aayi doontid.