Google waxaa wax laga baaraa 8.5 billion oo jeer maalinkasta ama 99,000 ilbiriqsi kasta! Baarid kasta waxay nooqn kartaa fursad ay ganacsiyadu badeecooyinkooda uga soo hor muujin karaan malayiin dad ah. Waana arintaas Google Ads waxa loo isticmaalo. Hadaba sidee Google Ads lacag looga sameeyaa?
Hadaba qormadan waxasd ku baran doontaa waa maxay Google Ads, sidee u shaqeeyaa iyo sidee lacag looga sameeyaa.
Waa Maxay Google Ads
Google Ads waa madal online ah oo xayiisiimeed ooy leedahay shirkada Google. Markii hore waxaa la oran jiray Google Adwords laakiin Google Ads ayay shirkadu magacii u badashay 2018.
Google Ads waa meesha ugu badan ee caalamka wax lagu xayiisii. Sanadkii 2022 waxaa Google oga soo xarootay xayiisiimaha digital-ka ah dakhli dhan 224.5 billion.
Sidee U shaqeeyaa Google Ads
Google Ads wuxuu ku shaqeeyaa model ah pay-per-click (ppc). Taasoo macneheedu yahay inaad lacag ku bixinaysid markasta oo qof xayiisiintaada ku dhufto.
Qofku marka uu Google wax ka baaro(keyword), natiijada baaridiisu waxay oga soo muiqataa Search Engine Result Page (SERP)
Tusaale
Markaad xayiisiin samaysid, waxaad rabtaa in aad ka soo muuqatid qaybta u saraysa SERP. Taasoo aad u faa’iido badan , sababtoo ah natiijooyinka u horeeya waxay badanaa helaan booqashada u badan.
Laakiin xayiisiintaadu waajib maaha markasta inay ka soo muuqato qaybta u saraysa SERP, sababtoo ah dad kale oo advertisers ah ayaa ayakuna isla booskaas u tartamaya oo lacag ku bixiyay.
Sidaa daraadeed si xayiisiintaadu u hesho boos fiican waa in ay leedahay Quality Score fiican.
Quality Score waa qiyaasta uu ku qiimeeyo Google tayada xayiisiinta, keywords-ka iyo landing page-ka.
Numberka Quality Score wuxuu u dhexeeyaa 1-10. Markasta uu numberku sareeyana waxaad ku heli kartaa position fiican qiimo yar.
Qaybaha Xayiisiimaha Google Ads
- Google Search Ads
- Display Ads
- YouTube Ads
- App Ads
Google Ads waa mid ka mid ah xirfadaha ugu muhiimsan digital marketing. Waa xirfad qofkii raba si fudud ku baran karo uguna shaqaysan karo.
Xagee ka baran karaa xirfadan
Waxaad si free ah oga baran kartaa Google Workshop ooy shirkada Google iska leedahay. Waxaa halkaa ku diyaarsan koorsooyin si her sare ah oo step by step ah loo diyaarshay. Markaad dhamaysatidna waxaad helaysaa shahaado caalami ah oo la aqoonsan yahay markaad freelancer ahaan ugu shaqaysanaysid. Waxaadna noqonaysaa markaa Certified Google Ads Manager.
Ka akhriso halkan sidee freelancing ugu shaqaysan karaa
Halkee oga shaqaysan karaa
Waxay xirfadan kow kaa anfacaysaa hadii aad ganacsi online ama physical ah leeday inaad xayiisiimo adigu u samaysatid. Intii aad qof kale lacag ku siin lahayd, adiga ayaa xirfadaada ku baahi bacaya oo xayiisiimahaaga sida aad rabtid u samaysanaya.
Sidoo kale, waxaad xirfadan ugu shaqaysan kartaa qaab freelancing ah. Qaabka ugu fudud ood ugu shaqaysan kartid waa inaad iska diiwaan galisid websites-ka sida Fiver iyo Upwork halkaas ood xirfadaada kusoo bandhigi kartid. Waxaadna ka helaysaa goobahaas macmiil dunida daafaheeda kala jooga oo u baahan in Google Ads loo sameeyo.
Bishii waxaad ka samayn kartaa intaas oo lacag ah.
Ka akhriso halkan sida passive income loo samaysto.