Sidee Freelancing Loogu Shaqaystaa

Sidee Freelancing Loogu Shaqaystaa

Hadaad qoraalkaan aqrinaysid, waxaa suurtagal ah inaad ku fikirtay inaad freelancing bilowdo? Hadaad jeceshahay inaad naftaada u shaqaysatid ood heshid xoriyad badan, ka ogow halkaan sidee freelancing loogu shaqaystaa, maxay qabtaan freelancers iyo siday u shaqeeyaan.

WAA MAXAY FREELANCING?

Freelancing waa nooc shaqo ah oo ku dhisan heshiis (contract) oo uu qofku adeegsado xirfadihiisa iyo aqoontiisa si uu adeeg ugu qabto qof macmiil ah. Si kale hadii loo dhigo, freelancing waa inaad xirfadahaaga adeegsatid si aad adeegyo kala duwan ugu qabatid macmiil kala duwan adigoon mid gooni ah shaqaale u ahayn. Inta shaqo ee aad qaban kartid waxay ku xirantahay awoodaada iyo sida aad ugu soo gudbin kartid waqtigii loo baahnaa.

Freelancing waxyaabaha uu ku fiican yahay waxaa kamid ah adigoo gurigaaga jooga inaad ku shaqaysan kartid. Shaqada online ayaad ku qabanaysaa umana baahnid inaad tagtid goobta macmiilku joogo oo howsha dhan online baad ku dhamaysanaysaan.

Qofka freelancer-ka ah waa self-employed oo ah inuusan cid shaqaale u ahayn ee uu lacag ka shaqaysto adeegyada uu qabto. Freelancing waxay horseeday soo shaac bixida fikrad cusub oo ah Gig Economy. Macnaha gig economy waa shaqsigu intuu hal qof shaqaale u noqon lahaa oo uu waqtigiisa oo dhan u shaqayn lahaa asagoo qaadanaya mushaar go’an, inuu qofku ugu adeego xirfadihiisa macmiil kala duwan asagoo ka qaadanaya qarashka uu is dhaho shaqadiisu way u qalantaa.

SIDE LOO NOQDAA FREELANCER

Inaad noqoto freelancer way fududahay runtii. Kaliya waxaad u baahantahay inaad iska diiwaangaliso websites-ka laga helo shaqooyinka freelancing-ka. Freelance websites ka ugu fiican ee laga shaqaysto waa:

  • Fiverrwaa goobta ugu wayn aduunka ee laga helo shaqooyin freelancing ah.
  • Upwork: waa website kale oo professional ah ood macmiil badan ka heli kartid.
  • Freelancer.com: waa mid kamid ah kuwii ugu horeeyay freelancing platforms-ka.

Si guud ahaneed waxaa ugu fiican Fiverr. Si aad u barato sida looga shaqaysto Fiverr oo lacag looga helo, ka akhriso halkan.

Markaad dhexgashid websites-kan waxaad si fiican u fahmaysaa freelancing siduu u shaqeeyo. Laakiin intaadan websites-kan ka bilabin shaqo, waxaan kugula talin lahaa inaad dooratid xirfadii aad ku shaqaysan lahayd. Kadibna aad awooda saartid sidii aad u kobcin lahayd. Xirfadaha lagu shaqaysto freelancing-ka kuwa ugu sareeya waxaa kamid ah:

  • Shaqooyinka graphic design-ka sida logo design, brand design, iwm
  • Web design and web development
  • Writing and translation
  • Video editing and photography
  • Accounting
  • Programming and coding

Halkan si faahfaahsan oga baro xirfada ugu fiican ee freelance looga shaqaysto oo ah graphic design.

GUNAANADKA

Waxaan rajaynayaa inaad hada fahan fiican ka haysatid freelancing iyo sida loogu shaqaysto. Hadaad jeceshahay inaad wax badan kasii ogaatid, waxa kugula talin lahaa inaad sii baartid. Laguma taliyo inuu qofku shaqadiisa ka tago markuu bilaabo freelancing ilaa intuu ka saldhiganayo oo meel fiican kagaarayo. Waxaa fiican inuu qofku waqtiyadiisa firaaqada ah galiyo si uu u qiimeeyo.

Wax muhiim ah ma ka tagay? Waan jeclaan lahayn inaad wixii fikirkaaga ah aad nagula wadaagto hoos.

Hadii aad shaqoyinka online-ka ah xiisaysid, halkan ka baro shaqooyinka ugu fiican online-ka.