Ma tahay qof leh blog oo jecel inuu ogaado qaababka kala duwan uu lacag oga samayn karo blogiisa? Mise tahay qof ku fikiraya inuu blog samaysto lacag si uu oga helo? Haday jawaabtaadu ‘haa’ tahay, sii akhri qormadaan ku saabsan sidee blogging lacag looga sameeyaa.
Intaanan guda galin mowduuca, aan isla fahanno blog waxa uu yahay. Blog waa nooc website ah oo loo isticmaalo in qofku aqoontiisa iyo fikradihiisa dadka kula wadaago qaab maqaalo diyaarsan ah. Marka ay bulsho badan kusoo xirmato qofkana waxa uu awoodaa in lacag ka samayn karo blogiisa.
Halkan ka akhriso: waa maxay blogging
Waxaa jira qaabab kala duwan oo bloggers ay lacag oga sameeyaan blogyadooda. Qormadaan waxaan kusoo qaadan doonaa oon ku sharixi doonaa Insha’Allah sadex kamid ah qaababkaas.
1. DISPLAY ADS
In qofku u furto xayiisiimo website-kiisa waa nooca ugu fudud uguna caansan ee blogging lacag looga sameeyo. Maadaama aad website haysatid iyo booqdayaal maalin kasta ah, waxaad u ogalaanaysaa website-kaaga in dad ay wax ku dhex xayiisiistan kadibna waxaad ku helaysaa lacag. Marka hore waxaad iska diiwaan galinaysaa shirkadaha wax xayiisiiya sida Google Adsense kadib markay ku aqbalaan xayisiimuhu ayay kuu furayaan.
Xayiisiimaha ma bixiso kaliya Google Adsense ee sidoo kale waxaa jira shirkado kale oo bixiya sida Mediavine, Ezoic iyo AdThrive. Laakiin shirkadahan kale qofka bilowgaa inay aqbalaan way adagtahay sidaa darteed ayay dadka bilowga ah oo dhan u doorbidaan Google Adsense maadaama ay ka fududahay kuwa kale oo dhan.
Ka akhriso halkan sidee Google AdSense lacag looga sameeyaa
2. AFFILIATE MARKETING
Affiliate marketing waa inaad suuq gayn u samaysid company badeecadiis markii la iibsadana aad commission ka heshid. Tanina waa qaab kalo oo fudud maadaama aadan u baahnayn inaad adigu wax product ah samaysid. Laakiin sida qaabkii hore oo kale dakhliga uu qofku ka helyo waxay ku xiran tahay cadadka dadka soo booqdo website-ka. Markasta ooy bataan dadku waxaa bata fursada ah inay wax gataan.
Waxaa jira websites badan oo laga helo affiliate marketing waxaana ugu caansan Digistore24, ShareAsale, ClickBank, Cj Affiliates, Impact iwm
Sii akhriso: waa maxay SEO
3. DIGITAL PRODUCTS
Qaabkan kii hore waxa uu oga duwan yahay qaabkii hore badeecada uu qofku xayiisiinayo asagu ma leh ee dad kale ayuu u xayiisiinayay. Laakiin qaabkan qofku wuxuu sameeynayaa digital products uu asagu leeyahay sida e-books, courses, templates iwm. Qaabkan kii hore wuu ka lacag badan yahay maadaama uu qofku asagu shayga uu gadayo leeyahay wuxuu ka helana aysan cidna la qaybsanayn.
Gunaanadkii waxaan raaynayaa inaad fahantay sidee blogging lacag looga sameeyaa. Qaababka blogging lacag looga samayn karo inta way ka badantahay laakiinse waxaan qormadaan kusoo qaadanay inta ugu mihiimsan.
Halkan ka akhriso: waa maxay blogging