Waxaad u arkhrinaysaa qoraalkan sababtoo ah waxaad rabtaa inaad baratid sida aad blog u samaysan lahayd ama waxaad jeceshahay inaad wax badan ka ogaatid.
WAA MAXAY BLOG?
Blog Waa website uu qofku leeyahay oo uu asagu u madax banaanyahay kaasoo u isticmaalo inuu qormooyin ugu soo gudbiyo dadka ku xiran ee akhristayashiisa ah. Faaiidoooyin badan ayuu blogging leeyahay waxaas ugu wayn in qofku awoodo inuu aqoontiisa iyo afkaartiisa la wadaago online audience badan. Sidoo kale waxay noqon kartaa qaab uu qofku online lacag oga samayn karo. Hadii aad jeceshahay inaad blogging bilowdid, qormadan waxaan kugula wadaagi doona qaabka aad blog aad leedahay aad ku samaysan lahayd. Laakiin marka hore aan ku waydiiyo su’aashan
MAXAAD U RABTAA INAAD U NOQOTID BLOGGER?
Waxaan kuu waydiiyay su’aashan sababto ah waa muhiim inaad taqaanid sababtaada intaadan bilaabin. Sababo badan ayay dadku u bilaabaan blog waxaana kamid ah:
- Waxaad rabtaa inaad online lacag ka samaysid
- Waxaad rabtaa inaad shaqadaada ku badalatid
- Waxaad jeceshahay mowduuc gaara ood rabtid inaad dadka la wadaagtid.
Sababtaadu tii ay tahayba waa muhiim inay kuu cadahay maadaama ay kaa caawinayso inaad sii wadid safarkaaga blogging-ka ilaad aad ka guul gaartid.
Dad badan waxay ku bilaabaan xiiso iyo laablakac ayakoon sifiican ugu diyaarsanayn howashan, kadibna mudo yar kadib si ay u sii wadan markay garan waayan ayay iska joojiyaan.
Ka akhriso halkan sidee AdSense lacag looga sameeyaa
SIDEE KU BILAABI KARTAA BLOG
STEP 1. SAMAYSO BLOGAAGA
Si aad u bilowdid waxaad u baahantahay hosting shirkad ku siisa. Hosting company wuxuu kaa caawin iinuu website-kaagu online ahaado markasta dadkuna ay soo booqan karaan. Shirkada ugu fiican ee hosting waa Bluehost. Waxaad ku bilaabi kartaa qiimo aad u jaban.
Waxaa jira qaab si free ah loogu bilaabi karo blog ayadoo la isticmaalayo websiteka Blogger, laakiin ma fiicna in sidaa lagu bilaabo. Blogger uma siinayo xoriyad dhamaystiran qofka blogiisa xadidaad badana wuu leeyahay.
Ka akhriso halkan sida blogging lacag loga sameeyo
STEP 2: DOORO MAGACA BLOGAAGA
Magacau waa sida www.magacablogaaga.com. Dad qaar ayaa waqti badan galiya intay goobayaan magac ‘perfect’ ah. Laakiin magac qurxoon oo mowduucaaga la xiriira hadii aad heshid asagaba waad isticmaali kartaa.
Laakiin waa muhiim magacu inuu ahaado mid fudud oo kooban hal ama labo eray aan ka badnayn si dadku u xasuustaan.
STEP 3: DOORO MOWDUUC
Waa inaad iswaydiisid maxaan wax ka qoraa? Ka fikir dadka aad rabtid inaad wax u gudbisid.
Markasta dooro mowduuc aad xiisaysid kaasoo dadkana aad ku caawin kartid. Ha u dooran ciwaan inaad lacag ka heli kartid kaliya. Way adagtahay inaad sii wadid wax aadan xiiso u hayn.
STEP 4: DIYAARSO DHAWR POST
Waxaa fiican inaad sii diyaarsatid dhawr maqaal oo la xiriira mowduuca aad dooratay. Xasuusnow dadku waxay rabaan inad wax ka caawisid. Ma doonayaan inay akhriyaan qoraal aad iska qortay. Waa inay qormooyinkaagu ahaadaan kuwo dadka faaiido u leh.
STEP 5: KU DADAAL INUU BLOGAAGU DAD BADAN GAARO
Waxaad awooda saartaa inaad traffic u heshid website kaaga. Traffic waxaa la dhahaa dadka soo booqanaya website-kaaga. Markasta oo dadka soo booqanay ay bataanwaxaa sidoo kale badanaya fusradaha kala duwan ood helaysid iyo samaynta aad yeelanaysid. Meesha ugu wayn ee laga helo free traffic waa Google. Waxaad kaloo isticmaali kartaa social media si dad badan uu u gaaro.
Blogging ma aha qaab aad maalinka koobaad aad lacag ka samayn kartid. Waxaad u baahantahay dadaal iyo juhdi badan inaad marka hore galisid ilaa qiyaastii dhawr bilood. Laakiin mira dhalka dadaalkaas wuxuu noqdaa mid aad u badan.
GUNAANAD
Waxaan rajaynayaa in ay qormadan kuu iftiimisay sidaad ku bilaabi kartid blogging. Runtii qofkasta oo ku haminaya blogging waa uu ka guul gaari karaa umana baahna qofku inuu qoraa wayn yahay ama khabiir mowduuciisa u uku yahay. Waxa uu qofku u baahanyahay waa ka go’naan, dhabar adayg iyo wax isbarid joogto ah si uu oga mira keeno dadaalkiisa.
Ka akhriso halkan sida blogging lacag loga sameeyo