Shaqooyinka freelancing ka ah aad ayay u soo kordhayeen ilaa iyo mudooyinkan danbe. Hadii aad goobtid shaqo freelance ah waad ogtahay qaabka ay u howl badantahay inaad heshid laakiin qormadaan waxaan kuugu soo koobay FREELANCE WEBSITES-KA UGU FIICAN .
WAA MAXAY FREELANCING?
Freelancing ama shaqada xorta ah waa shaqo qofku si madax banaan u shaqaynayo asagoo cid gooni ah shaqaale u ahayn. Maadaama dadka freelancer-ka ah ay yihiin self-employed ayaga ayaa doorta macaamiisha ay la shaqaynayaan kulana heshiiya mudada iyo qiimaha shaqada ay u qabanayaan.
Si aad si fiican ugu fahantid freelancing muhiimadeeda iyo sida loogu shaqaysto, aqri qormadaan.
FAAIIDOOYINKA FREELANCING KA
Freelancers waxay helaan faaiidooyin badan sida inay si buuxda go’aan oga gaaraan shaqooyinka ay qabanayaan, saacadaha ay shaqaynayaan, cida ay la shaqaynayaan, lacagta ay ku shaqaynayaan iyo wixii kale o shaqada la xiriira. Sidoo kale freelancers uma baahna inay goob gaar ah ka shaqeeyaan ee gurigiisa asagoo jooga ayuu qofku dhamayn kara howsha.
BEST FREELANCE WEBSITES
1. FIVERR
Waa websiteka ugu wayn ee laga helo shaqooyin freelance ah. Shaqooyinka u badan ee lasoo gasho waa digital marketing, web development, content writing, social media management iyo kuwa lamid ah.
Si aad si faahfaahsan ugu fahantid sida Fiverr qaab freelance ah looga shaqaysto oo lacag looga sameeyo, halkan ka daalaco.
2. FREELANCER.COM
Waa website kale oo professional ah oo laga helo shaqooyin badan oo freelance ah. Waxaa kamid ah kuwa ugu badan translation, web design iyo marketing.
3. UPWORK
Waa freelance website oo freelancers ka ku xira macmiil kala duwan. Shaqooyinka laga helo waxaa kamid ah brand marketing, programming iyo kuwa kale.
4. 99DESIGNS
Waa website si gooni ah looga helo shaqooyinks la xiriira graphic design. Waxaa ka heli kartaa shaqooyinks logo design, web design, branding, book design iyo wixii lamid ah.
Halkan ka baro graphic design wuxuu yahay iyo shaqooyinka uu leeyahay.
5. PEOPLE PER HOUR
Sidaad magiciisa ka fahmi kartid, People Per Hour wuxuu ka caawiyaa ganacsiyada inay helaan freelancers kuwaas oo ku shaqaynaya hourly rate. Micnaheedu waa in qofka lacag ku qaato inta saac uu project ka shaqaynayay sida in qof lagu shaqaalaysiiyo $10/saacadii ama ka badan.
Halkan ka akhriso qaabka ugu fiican ee freelancing loogu shaqaysto