Qaar kamid ah xirfadaha ugu muhiimsan in la barto qarnigan waa kuwa digital ka ah. Maadaama nolosheena in badan online dhex gashay, waa muhiim inaan awooda saarno kobcinta fahankeena caalamka digital ka ah. Digital Skills waa awoodida inaad aaladaha casrigsa ah(moobeelada iyo kumbuyuutarada) u isticmaashid si aad usoo saartid wax faaiido leh. Waa inaad garan kartid shaqooyinka muhiimka ah aaladaha lagu qabto iyo sida loogu qabto.
Qormadaaan waan kugula wadaagi doonaa 5ta ugu muhiimsan xirfadaha digital ka ah ee ay tahay inaad baratid. Muhiim ma aha inaad dhamaantood wada baratid, laakiin waxaad dooran kartaa kuwa kugu haboon adiga. Barashada xirfadahan waxay kaa kaalmayn kartaa inaad shaqo fiican ku heshid, qaaab freelancing ah ugu shaqaysatid ama aad ganacsi ku bilowdid.
BEST DIGITAL SKILLS
1. WEB DEVELOPMENT
Ganacsiyada addunka badankodu waxay aad ugu baahdeen in ay qayb online ah ganacsiyadooda u sameeyaan. Tani waxay ka dhigtay shaqada website samaynta mid aad baahideedu u badatay maadaama baahiyaha websites ka ay badatay. In ka badan 45% websiteska addunka waxay ku dhisanyihiin WordPress. Inaad baratid sida website WordPress loogu sameeyo fursado badan ayay albaabadooda kuu furaysaa. WordPress website waxaa loo isticmaalaa blogs, eCommerce websites, portfolio iyo wixii lamid ah.
Halkan ka akhriso sida website lo samaysto lacagna looga sameeyo
2. DIGITAL MARKETING
Waa nooc xayaysiis ah oo la adeegsanayo internetka si badeeco loo suuq geeyo. Waxaa suuq gayntan lagu sameeyaa online platforms kala duwan sida blogs, emails, social media sida Facebook iyo YouTube iyo qaar kale.
Affiliate marketing waa nooc suuqgayn ah oo si fudud online-ka looga shaqaysan karo hadii aad si fiican u baratid.
3. PROGRAMMING
Waa xirfad aad muhiim u ah. Shaqooyinka programming ama coding waxaa u baaan ganacsiyada, shirkadaha tiknoolijiyada, goobaha waxbarashada iyo wixii lamid ah. Waana shaqo baahideedu aysan hoos u dhici doonin. Qofka xiisaynaya programming wuxu noqon kara front-end developer, back-end developer ama full stack developer oo labadaba isku ah. Coding markay dadku maqlaan waxay ka aaminsanyihiin in barashadeedu aad u adagtahay laakiin waxaa jira qaabab badan oo online ka si fuddu looga baran karo.
Halkan ka akhriso qaabka ugu fiican ee programming loo barto
4. SEARCH ENGINE OPTIMIZATION (SEO)
Waa xirfad loo isticmaalo in lagu siyaadso dadka soo booqda webseedyada. Qaabka loo sameeyo waa in lagu dadaalo in webseetku uu kasoo muuqdo qaybta u sareysa ee Search Engine Result Page(SERP) taaso ka sacida websiteska inuu helo rank 1 ama 2. Ranking fiican waxay muhiim u tahay maadaama 67% dadku ay booqdaan 5ta page ee u horaysa results ka Google.
Halkan ka akhriso qaabka SEO loogu shaqaysto
5. GRAPHIC DESIGN
Waa samaynta naqshado fiican ayadoo la adeegsanayo aaladaha casriga ah ee kala duwan. Waxaa loo adegsadaa softweero ay ka mid yihiin Adobe Photoshop. Hadii aadan hayn waqti ama xirfad kugu filan ood ku isticmaashid softweerka kore, waxaad isticmaali kartaa Canva.
Hadii aad xiisaynaysid fahanka Graphic Design, halkan ka baro.