SIDA FIVERR LACAG LOOGA SAMEEEYO

SIDA FIVERR LACAG LOOGA SAMEEEYO

Shaqooyinka online-ka looga shaqaysto waayahan danbe way soo badanayeen. Mid kamid ah suuqyada online-ka ah ood xirfadahaaga aad kusoo bandhigi kartid oo lacagna ka heli kartid waa Fiverr. Barashada sida looga shaqaysto Fiverr waxay kuu furi kartaa fursado aad u balaaran. Waxaadna ka samayn kartaa dakhli jooogto ah meel kastood joogtidba. Hadaba sii akhri si aad u ogaatid sida Fiverr lacag looga sameeyo.

Fiverr waa suuq online ah oo lagu soo bandhigo shaqooyin. Shaqada lasoo gasho waxaa looyaqaan “gig”. Waa meel dadka freelancers-ka ah ay adeegyadooda ugu soo gudbiyaan dadka u baahan ee aduunka dhinacyadiisa kala jooga. Noocyada shaqooyinka lagusoo gudbiyo waxaa kamid ah graphic design, digital marketing, video editing, web development, programming, iyo kuwo kale oo aad ubadan. Qiimaha ugu yar ee wax lagu gadi karo waa $5, malaha waa sababta loogu magacaabay Fiverr.

MAXAAD KU IIBIN KARTAA FIVERR

Fiverr waxay leedahay in kabadan 200 oo categories oo shaqooyin ah. Kuwa ugu fiican waxaa kamid ah:

Translation: hadii aad tahay qof dhawr luuqadood yaqaan waxaad Fiverr oga shaqaysan kartaa inaad turjuntid documents iyo projects kale. Xitaa waxaad ka heli kartaa shaqooyin badan oo ah turjumid Soomaali ah.

Graphic Design: hadii aad ku fiicantahay design-ka, waad oga shaqaysan kartaa Fiver. Khaasatan logo design-ka aad ayaa loo gooba waxaana lagu gadaa $5 ilaa $1,500. Ka baro halkan waa maxay graphic design.

Website Development: Tanina waa shaqo waayahan danbe aad ay usoo badatay baahideedu. Sigaar ah waxaa aad loo goobaa e-commerce website ah samayntiisa.

Social Media Marketing: Sidoo kale tanina waa shaqo kale oo shirkado badan goobaan cid oga shaqaysa barahooda bulshada waxayna iskugu jirtaa maamulida baraha bulshada, campaign iyo ads samayntood, iwm.

SIDA PROFILE LOO SAMAYSTO

Marka hore waa inaad iskaga diiwaan galisid seller inaad tahay. Seller waa qofka freelancer-ka ah oo xrfadihiisa iyo adeegyadiisa soo bandhigaya oy lasocdaan qiimohooda.

Kadib waa inaad verify dhahdid account-kaaga. Kadib waxad samaysanaysaa profile fiican oo soo jiidasho leh. Profile-ku waa Meesha dadku kaa qiimaynayaan inaad tahay qof ku haboon howshay doonayan in loo qabto iyo in kale.

Markaad profile-ka samaysid kadib, waxaad samaynaysaa Gig oo ah adeega aad qabanaysid iyo faahfaahintiisa. Waxaad qoraysaa title oo kabilowda I will. Waxaad qoraysa o kale qiimaha iyo waxyaabaha kale ee loo baahanyahay.

SIDEE LACAGTA LOO HELAA

Qaababkaad lacagta ku heli kartid waxa ugu fiican inaad isticmaashid Payoneer. Hadada Somalia joogtid waxay u badantahy inaan PayPal lacag toos laguugu soo diri karin. Laakiin Payoneer wuxu ka cawinaya ina lacagta toos laguugu soo diro akoonkaaga Payoneer, kadibna aad toos ugu shubatid bankigaaga hadii aad leedahay.

Fiverr waa meesha ugu fiican ee aad xirfadahaaga oga shaqaysan kartid kuna soo gudbin karitd adeegyo fiican hadii aad sifiican u fahanatid sida Fiverr lacag looga sameeyo.

Ka akhriso halkan sida dropshipping lacag looga sameeyo