Waxaa jira in kabadan 2 milyan oo crypto ah mid kasta ay leedahay awoodeeda, dafiicnimadeeda iyo faaiidadeeda. Hadii aad rabtid inaad maalgashatid crypto, way kugu adkaan kartaa inaad malaayiin ka dooratid kuwa ugu fiican. Qofkasta oo raba inuu crypto maalgashto caqabada koobaad oo qabsata waa siduu u dooran lahaa kuwi uu gadan lahaa. Si aan doorashadaas kaaga caawiyo ayaan qormadan waxan kugula wadaagayaa 10-ka coins ee crypto ugu fiican.
Tani waxay kaa caawin doontaa inaad fahan guud ka heshid maalgashiyada ugu fiican suuqaan si fududna u dooratid kuwa aad xiisaynaysid.
Ka akhriso halkan waa maxay cryptocurrency
10-ka Ugu Fiican Crypto
1. Bitcoin (BTC)
Market Cap: $834.9 billion
Bitcoin waa dhamaan crypto mida ugu caansan uguna qiimaha badan. Bitcoin waa hooyada crypto sababtoo ah waa tii u horaysay waxaana la sameeyay 2009 waxaana sameeyay shaqsi aqoonsigiisa qariyay oo adeegsanayay magaca Satoshi Nakamoto.
Qiimaha Bitcoin waxay ku samaysay sare kac sare marsr badan. May 2016 qiimaheedu waxay ahayd $500. Maanta oo ah 28 January 2024 waa $42,191. Waana koru kac dhan 7,843%
2. Ethereum
Market Cap: $263.1 billion
Ethereum waa mid kamid ah altcoins-kii u horeeyay waxaana la sameeyay 2015. Waa mida labaad ee ugu caansan uguna qiimaha badan Bitcoin ka dib. Waxa u wayn ee loo isticmaalo waa smart contracts ama platform-ka lagu sameeyo decentralised apps ama dApps. Ethereum waxay hoy u tahay in kabadan 1,400 oo applications.
Sidoo kale Ethereum qiimaheedu sare kac aan caadi ahayn ayuu sameeyay. April 2016 waxay ahayd $11 maanta oo ah January 2024 waxay maraysaa $2,278, sare kac dhan 19,800%.
3. Binance Coin(BNB)
Market Cap: $45.1 billion.
BNB waxa sameeyay Binance oo ah exchange-ga ugu wayn crypto. BNB waxay ku shaqaysaa blockchain-ka Binance. Waxaana loo isticmaalaa transactions iyo applications kala duwan.
Hada qiimaha halka BNB waa $305
Qiimaha BNB 2017-kii wuxu aha kaliya $0.1. Hada oo ah January 2024 wuxu marayaa $305, sare u kac dhan 292,123%.
4. Solona (SOL)
Market Cap: $39.3 billion
Solona waxa la sameeyay March 2020. Sida ethereum oo kale waxaa loo isticmaalaa dApps, smart contracts iyo non-fungible tokens (NFT) iyo isticmalo kale.
Waxay isticmaashaa nidaam verification system oo cajiibkaa oo ka kooban proof-of-stake iyo proof-of-history oo la isku daray.
Taasi waxay ka dhigtay mid ka xawaare saraysa kana qiimo jaban ethereum.
Markii la sameeyay SOL 2020-kii, qiimaheedu wuxuu ahaa $0.77. Hadana January 2024, qiimaheed waa $94.80, koru kac dhan 10,376%.
5. XRP
Market Cap: $28.2 billion
XRP ooy samaysay Ripple waxaa loo adeegsadaa lacag bixinta waxayna badashaa booska SWIFT oo ah system-ka ay hada adeegsadaan bangiyadu si ay lacagaha ukala diraan.
Laakiin tiknolaiyada Ripple ayaa ah mid ka xawaare saraysa, ka qiimo jaban kana hufan nidaamka SWIFT.
Bilowga 2017-kii, qiimaha XRP waxay ahayd $0.006. Hada oo ah January 2024 waxay maraysaa $0.5, waxayna kor u kacday 8,277%.
6. Cardano (ADA)
Market Cap: $17.1 billion
Cardano waxay ku shaqaysaa proof-of-stake blockchain taasoo ka dhigtay mid si oga tayo badan bitcoin iyo ethereum. Waxaa sanadkii 2017-kii soo saaray Charles Hoskinson oo ahaa co-founder ka ethereum.
Sida ethereum iyo Solona, Cardano waxay awooda saartaa inay noqoto madasha ugu fiican ee lagu sameeyo dApp iyo smart contracts. Sidoo kale ADA waxa isticmaalayaasheedu u isticmaali karaan staking si loo xaqiijiyo transactions-ka waxayna ku helayaan tokens dheeri ah.
2017-kii qiimaha ADA wuxu aha $0.02. Hado ah January 2024 waa $0.5, waxayna samaysay koru kac dhan 2,181%.
7. Avalanche (AVAX)
Market Cap: $11.6 billion
Avalanche waa crypto cusub oo la sameeyay September 2020-kii. Avalanche waxay isku dayaysaa inay noqoto blockchain-ka ugu xawaaraha sareeya uguna amniga badan. Sida qaar kaimda crypto-kii kale oon horay u sheegnay, avalanche waa smart contract platform halkaas oo lagu samyn karo decentralised apps(dApps). Avalanche waxay awooda saartaa inay ku gulaysato labo shay: transactions dagdag ah oo fee yar. Qiimaha halkii avalanche hada waa $36.4.
8. Polkadot (DOT)
Market Cap: $8.7 billion
Blockchain-ka Polkadot waxa 2020-kii soo saaray Gavin Wood oo ah ethereum co-founder. Hadafka ugu wayn ee loo sameeyay waa in ay isku xirto blockchains kala duwan oon marki la isku xiri karin. Interoperability -gan ama isku xirkan wuxu suura galinayaa in data si fudud loogu kala gudbin karo blockchains kala duwan sida ethereum iyo bitcoin oo kale. Tani waxay ka dhigaysa Polkadot mid qiimo ku dhex leh crypto adeegsi badana leh hada mustaqbalkana sii kobci doonta.
Qiimaha halka Polkadot hada waa $6.73
9. Poygon (MATIC)
Market Cap: $7.73 billion
Polygon oo horay loogu yaqaanay Matic Network waa madal horumarsan oo lagu samayn karo dApps. Waxay u tahay ‘layer two’ ethereum, taasoo macneheedu yahay in developers-ku Polygon ku samayn karaan dApps ethereum ku shaqayn kara.
Taasi waxay ka dhigtay Polygon in isticmaalkeedu aad u bato, projects badana lagu sameeyo fee-geeda yar awgii.
Qiimaha halka Polygon hada waa $0.80.
10. Chalinlink(LINK)
Market Cap: $8.32 billion
Chainlink waa crypto la sameeyay 2017-kii taasoo kabshaqaysa inay noqoto buundo isku xirta blockchains-ka iyo external systems. Chainlink waxay ku dhisan tahay ethereum. Waxay ka caawisaa adeegyada aan ku dhisnayn blockchain inay si fudud loogu xiro kuwa blockchain-ka ah. Waxay ku shaqaysaa hybrid smart contract. Tasina waa waxa u ogolaada inay isku xiro karto blockchain-ka iyo databases-ka dibada ka ah.
Halkii Chainlink hada qiimihiisu waa $14.64
Ka akhriso halkan sida ugu fiican ee crypto loo maalgashto
Maxaa La Fiiriyaa Intaadan Crypto Gadan
1. Adeegsiga
Sida company ama badeeco kasta oo kale, waa inay jirtaa
Sida company ama badeeco kasta oo kale, waa inay jirtaa isticmaal dhab ah( ama mid mustaqbalka la filayo) ooy leedahay crypto-ga aad gadanaysid. Is waydii maxaa isticmaal ah oo uu leeyahay crypto-gan.
2. Team-ka
Halbowlaha crypto kasta waa team-ka soo saaray ama ka danbeeya horumarinteeda. Is waydii ma yihiin kuwo leh aqoonta iyo xirfada ay ku sii horumarin karaan. Ma fulin karaan balanqaadyada ay sameeyaan.
3. Security
Sugnaanta amniga ay ledahay crypto aad gadanaysid waa muhiim inaad ogaatid. Is waydii ma la isku hubaa amnigooda.