Sidee Crypto Loo Maalgashtaa

Sidee Crypto Loo Maalgashtaa

Ma jeceshahay inaad maalgashatid lacagaha cryptocurrency? Maalgashiga lacagahan dad badan ayay milyineero ka dhigeen. Sidoo kale dad badana aad bay ugu qasaareen. Hadaba qormadan waxaan kugula wadaagayaa sidee crypto loo maalgashtaa si bad qab leh.

Qof kasta oo raba inuu maalgashto crypto waa muhiim marka hore inuu fahan fiican ka haysto intuusan galin. Sidaa daraadeed ayaan qormadan waxan kuugu faahfaahinayaa sida ugu fiican ood u maalgashan kartid qasaarane iskaga ilaalin kartid. Waxaan isla fahmaynaa crypto waxay yihiin, qaybahooda iyo aas-aasiyaadka maalgashigooda.

Waa Maxay Cryptocurrency?

Crypto waa lacago digital ah oo qaab electronic ah kaliya u jira sida lacagaha Soomaalidu badankeedu isticmaasho ee EVCPlus, E-dahab, Zaad, Sahal, iwm.

Laakiin waxay iga duwanyihiin crypto waa decentralised oo macnaheedu tahay ma jirto cid maamusha lacagahan. Waxa ku shaqeeyaan tiknolajiyada blockchain.

Intaadan maalgashan crypto, waa muhiim inaad fahan dhamaystiran ka haysatid waxay yihiin. Si aad si faahfaahsan ugu fahantid, aqriso qormadan. Waxan kuugu soo koobay wax kasta ooy tahay inaad ka ogaatid crypto.

Qaybaha Crypto

Cryptocurrency ama crypto waa erayga guud ee loo isticmaalo dhamaan lacagaha digital-ka ah ee ku dhisan blockchain. Tirsigoodu aad buu u fara badan yahay.

Hada oo ah January 2024, waxaa jira in ka badan 2.2 milyan oo crypto ah sida ku xusan CoinMarketCap.com.  Markastana tirsigaa wuu sii siyaadaa. Qiimaha guud ee suuqa crypto waa $1.62 trillion.

Dhamaan crypto waxaa ugu fac wayn uguna qiimo badan bitcoin, waana 50.8% qiimaha guud ee crypto. Lacagaha kale een bitcoin ahayn waxa la isku dhaha ‘altcoin’ ama alternative to bitcoin.

10-ka crypto ugu saraysa hada waxay kala yihiin:

1.Bitcoin

2. Ethereum

3. Tether

4. BNB

5. Solona

6. XRP

7. USDC

8. Cardona

9. Avalanche

10. Dogecoin

Sidee Loo Gataa Crypto

1. Dooro Exchange

Cryptocurrency waxaad ka gadan kartaa exchange oo ah meel aad ka gadan kartid crypto aad rabtid kadibna aad ku kaydsan kartid ama kala bixi kartid. Markaad dooranaysid waxyaabaha ay tahay inaad fiirisid waxaa ka mid ah amnigooda, feega ay qaataan, lacagta ugu yar ood ku maalgashan kartid iyo noocyada crypto ood ka heki kartid. Exchanges ugu waawayn waxaa kamid ah: binance, coinbase, Gemini, Karaken, iwm.

Anigu waxaan isticmaalaa binance waxaana si fudud oga gataa nooc kasta oo crypto ah oon rabo.

2. Account ka Samayso Exchange-ga

Waxaad u baahanaysaa inaad xogtaada personal-ka ah oo saxan aad adeegsatid. Waxaad kalo u baahan kartaa passport ama ID si aad account-kaaga verify u dhahdid.

3. Ku Shubo Lacag Account-kaaga

Intaadan wax crypto ah gadanin waxaad u baahantahay inaad account-kaaga lacag iu shubatid sida US Dollar ama Euro.

Ama waxaad isticmaali kartaa Mastercard ama Visa card hadaad leedahay. Waxaad si toos ah ugu gadanaysaa crypto lacagta kuugu jirta bankigaaga.

Ani waxaan u isticmaalaa Mastercard-kayga inaan si toos ah ugu gato.

4. Dooro Crypto aad Gadanaysid

Hada maadaama ay wax kasta kuu diyaarsanyihiin waa inaad doorataa crypto aad gadan lahayd.

Intaadan wax crypto ah gadanin sidaan soo sheegnay waa inaad marka hore baarid ku samaysaa. Fahan waxa aad lacagtaada galinaysid waxay yihiin.

5. Iibso Crypto

Raac tilaabooyinka ay exchange-gu kaa rabaan si aad transaction u samaysid. Sidaas ayaadna ku haysataa crypto. Hadaba sidee u kaydsan kartaa.

Sidee Loo Kaydsadaa Crypto

Markaad crypto ka gadatid exchange, waa inaad meel amni ah ku kaydsataa. Exchange waad u daysan kartaa hadaad amnigooda ku kalsoon tahay lacagtuna ay yartahay. Laakiin mar hadii lacagtu ay badantahay, waxaa fiican inaad ku kaydsatid wallet(boorso).

Waxaa loo qaybiyaa wallets-ka labo qaybood oo kala ah ‘hot wallet’ iyo ‘cold wallet’.

Hot wallet waxay ku xirantahay internet-ka. Taasi waxay ka dhigi kartaa wili mid u nugul weerarada internet-ka. Faaiidadeedu waa inay fududahay adeegsigeedu markad u baahatid ad si dhaqso ah ku isticmali kartid.

Cold wallet asagu kuma xidhna internet-ka. Waa aalad yar oo sida USB flash drive oo kale. Maadaama aysan internet-ka ku xidhnayn, amnigeedu aad buu u sareeyaa. Waxay ku fiican tahay in wixii lacag badan ah lagu kaydsado.

7 Tips for Investing in Crypto

1. Fahan Intaad Maalgashan

Sida maalgashi kastaba lagaa rabo, marka hore si fiican u fahan waxaad maalgashanaysid. Sababtoo ah waxaa jira malaayiin crypto mid kastana si gooni ah u shaqeeyo. Maalin kastana kuwa cusub ayaa lagu soo daraa. Waxaad u baahantahay midka aad ragtid markaa inaad gadatid, daraasee oo fahan wuxuu yahay.

Suuqaan maadaama uusan badanaa lahayn sharci haga, waxaa jira crypto badan oo scams ah ama false ah dadkana in lagu dhaco loogu talagalay. Si aad taas iskaga ilaalisid, marna lacag ha gashan wax aadan aqoon waxay yihiin.

Do your own diligence ama adigu baaritaankaaga samayso waa talada ugu muhiimsan ooy tahay inaad xasuusnaatid.

2. U maalgasho mustaqbalka

Markaad crypto maalgashanaysid, waa muhiim inad long-term investment ama maalgashi mustaqbalka fog ah. Taasi waxay kaa cawwinaysaa inaysan ku saamayn isbedelka qiimahooda. Si joogta ah ayay qiimaha crypto isku bad-badalaan. Marka cirkay aadaan marna dhulkay galaan. Hadii hadafkaagu yahay long-term, la iskuma mashquuliyo isbeledaas. Sababtoo ah meel loo raaco ma leh waadna ku wareeraysaa hadaad isku daydid inaad la socotid.

3. La soco isbedelka

Crypto waa lacago volatile ah ama aad qiimahoodu isku bad-badala.

4. Haku maalgashan wax aadan ka maarmin

Crypto waligaa haku maalgashan lacag aadan ka maarmi karin ama lacag aadan qasaari karin. Hadii ay tahay lacag aad u baahantahay, sinaba uma haboona inaad ku maalgashatid wax aan la isku hibin sida crypto oo kale.

5. Amniga Lacagtaada Adkee

Lacagtaada security-geeda waa inaad masuuliyad dheeri ah iska saartaa. Tuugada dhigitalka ah markasta waxay ku dadaalaan inay raadsadaan wixii u nugul dhacooda.

Sidoo kale exchange-ga aad isticmaalaysid hadaad lacagtaadana ku kaydsanaysid, qiimee amnigooda iyo sida ay u adkeeyaa. Hadii aysan amniga masuuliyad fiican iska saarin, ma aha meel aad wax ku kaydsan kartid.

6. Khataraha Ogsoonow

Markasta xasuusnow in suuqa crypto ay khatartiisu badan tahay. Sida maalin kasta dad iga taajiraan ayaa si lamid ah dad badan ugu qasaaraan. Markasta taxadarkaaga badi.

Ma jirto dowlad ama bank lacagtaada kuu haynaya. Sidoo kale ma jirto cid hadi aad khasartid mag-dhaw ku siinaysa. Ma jirto hadi aad wax qaladid cid aad la xiriiri kartid. Hadii aad lacag qaladid waa sidaad u qaladay cid soo celin kartana ma leh. Sidaa daraadeed, taxadar dheeri ah lahow.

7. Kala duw maalgashigaaga

Inaad lacagtaada dhan hal crypto ku maalgashatid waa kaga fiican yahay, labo sababood awgood.

Kow halisteeda ayaa badan. Waxaa laga yaabaa in qiimaheedu hoos u dhoco oo eber noqdo. Taasi eber ayay ka dhigaysa lacagtadi.

Sidoo kale waxad seegaysaa crypto kale oo hadaad maalgashan lahayd aad wax fiican ka heli lahayd. Sidaa daraadeed isku day inaad kala duwdid maalgashigaaga.

Gabagabo

Hada waxaan filayaa inaad xog fiican aad ka haysatid sida aad u maalgashan kartid crypto. Runtii waxaa la oran karaa crypto waa lacagta mustaqbalka. Inaad hada maalgashatidna faa’iido wayn ayay mustaqbalka ku noqonaysaa. Laakin hadana waa suuq qatatihiisu badan yihiin. Sidaa daraadeed ayaa taxadar dheeri ah lagaaga rabaa.

Hlkan ka akhriso 10 ka crypto ugu fiiican ee la maalgashto