Ka Dhig Sanadkan 2024 Kii Kuugu Fiicnaa

Ka Dhig Sanadkan 2024 Kii Kuugu Fiicnaa

Dadka badankoodu waxay dagsadaan ahdaaf badan sanadka bilowgiisa. Laakiin 9% kaliya ayaa ahdaaftooda xaqiijiya. Waxaa laga yaabaa inaad dhahdid sanadkab 2024 wuxu noqon sanadkaygii. Laakiin uma badna! Sabab? Aan su’aal ku waydiiyo. Waa maxay waxa is bedelay sanadkan ee la taaban karo?

Sanadkasta waxaad dhahdaa wuxuu noqon sanadkaygii hadana ma noqdo. Ilaa hada maxaad tilaabo ah ood qaaday si aad u gaartid ahdaaftaada? Ma ogtahay 17-ka January in la dhaho maalinta guul daraysayaasha. Sababtoo ah 43% dadka wax tilaabo ah uma qaadin dhanka horumarka. Wadadii aad horay ugu socotay hadii aad kusii socotid, sanadkana waxba kama duwanaanayo kuwii hore.

Hadaba su’aashu muhiimkaa waxaa weeye ma waxaad doonaysaa inaad kasii mid ahaatid 91% guul daraysta sanadkasta? Mise waxaad ku biiraysaa 9%  guulaha gaara? Waa go’aan aad adigu kaligaa gaari kartid.

Caqabadaada Ugu Wayn

Waligaa ma is waydiisay waa maxay caqabada ugu wayn ee iga hortaagan gaarida ahdaaftayda? Hada bal ka fikir. Jawabtu saad moodaysid maahan. Moobilkaaga. Maxay?Haa, moobilkaagu waxaan kuu hubaa inuu yahay caqabada ugu wayn ee ku hortaagan hadaad dareensan tahay iyo hadii kale. Celcelis ahaan dadku waxay isticmaalaan moobilkooda 7 saac. Qiyaas bal. Waa ku dhawaad 4 bilood sanadkasta. Ama sadex meelod kamid ah noloshaada. Waqti yar maaha.

Hadaba isticmaalka mobilkaaga aad oga fiirso. Isku day inaad yaraysid. Sido kale isku day intuu uu waqtiga iskaga dhumin lahayd inaad wax faaiido leh u isticmaashid.

Kuguulayso Sanadkan

Hadaba sanadkan hadaad go’aan adag la timaadid iyo dadaal dheeri ah, waad ka dhigan kartaa sanadkan kii kuugu fiicanaa noloshaada. Waxaan kula wadaagayaa dhawr talo oo muhiim ah oo kaa caawinaya inaad sanadkan noloshaada badashid.

1. Ahdaaf Cad Dagso

Tilaabada koobaad ee horumarka waa inaad dagsatid ahdaaf cadcad. Ahdaaf aad dartood u dadaashid ood hiisatid gaaridooda iyo rumayntooda. Hadii aadan hadaf lahayn noshaada, maxaadba ku guulaysan? Waa waxba soo maaha. Waligaa gurigaaga inta ka soo baxday ma iska dhaqaaday adoon meelna u socon? Maya dabcan. Qof caqli lihi sidaas marna ma samayn lahayn.

Nasiib daro ka waran hadii aad noloshaada sidaa u noolaatid? Soo qasaare maahan? Ahdaaftu noloshaada macno ayay u sameeyaan. Waxay ku jihayn noloshaada wadada saxdaa. Hadaf la’aan waa horumar la’aan! Hadaba, hadii aad rabtid inaad baratid ahadaafta sida loo dagsado si sax ah, aqriso qormadan.

Markii aad ahdaaft dagsatid, hadii aad rabtid inaad ogaatid farsamooyin aad u isticmaali kartid inaad ku xaqiijisid, akhriso qormadan.

2. Caadooyin Fiican Samayso

Sirta horumarka noloshu waa caadooyinka. Go’aanso intaad caadooyin fiican samaysan kartid inaad samaysatid. Sidoo kale go’aanso inaad caadooyinkaaga xun aad ka takhalustid. Caadooyinka wanaagsani waxay kaa cawinayaan inaad ahdaaftaada si joogto ah oga shaqaysid.

Hadii aad rabtid inaad baratid sayniska caadooyinka, sida caadooyin fiican loo samaysto iyo sida caadooyinka xun-xun laiskaga joojiyo, akhriso qormadan.

3. Ficil Samee

Iska ilow dib u dhigasho danbe. Iska ilow waqti dhimis danbe. Go’aanso oo naftaada ku dheh ‘sanadkan wuxuu noqon sanadkii aan ahdaaftayda ka shaqayn lahaa’. Ha ka cabsan dadka kale waxay ku dhahayaan.

 Ahdaaftaada ayaa ka muhiimsan dadka kale afkaartooda. Markaad joojisid dadka aaminaadooda inaad ka hormarisid ahdaaftaada, noloshaadu waxay isku badali ai cajii  ah.

Markii aan ku iri hadafkaaga gaaridiisa ka shaqee, maskaxdaada waxaa ku soo dhacay hadaf cayiman oo niyadaada ku wayn. Sax? Go’aanso 12-ka usubuuc ee soo socda inaad maalin kasta samaysid wax hadafkaaga ku gaarsiinaya.

4. Caafimaadkaaga Aad Ugu Dadaal

Caafimaadku hanti waa ka qaalisanyahay. Waa shidaalka jirkaagu ku shaqeeyo. Caafimaad la’aantiis ahdaaf iyo qorshayaal aad ka shaqayn kartod ma jiraan. Sidaa daraadeed, sanadkan caafimaadkaaga aad ugu dadaal. Muhiimad dheeri ah sii. Ha fududaysan. Waxyaabo badan ood hada fududaysanaysid ayaa hadhow kugu waynaan. Qaabka ugu fiican eed caafimaadkaaga aad ku horumarin kartid waa aalamiitada ama jirdhiska. Go’aanso inaad gym-ka u tagtid ama jirdhis u samaysid si joogto ah.

5. Qorshayso Noloshaad Jeceshahay

Ha ku ekaan nolosha heerka aad hada joogto kaliya. Sanadkan yuusan kugu dhaafin macno daro. Ka shaqee sidaad ku gaari lahayd noloshaada riyada. Nolosha qurxoon iyadu iskama timaado. Waa inaad u dadaashid. Waa inaad waqtigaaga galisid.

6. Baro Xirfad Noloshaada Badasha

Waa maxay xirfada hadii aad baratid saamaynta ugu wayn noloshaada ku yeelanaysa? Ma blogging baa? Ma programming baa? Mise waa sales? Ma public speaking baa? Ma YouTube baa? Ka fikir meelna ku qoro. Ka dib ka shaqee sidaad u gaari lahayd. Dooro xirfad hadaad si fiican u baratid kuu furi doonta albaabada fursado aadan waligaa qiyaasan. U dagso qorshe aad ku gaartid luma dhaqaaq.

7. Hantiile inaad noqotid go’aansho.

Hantida waa hab-fikir (mindset). Waa inaad caadi u aragtaa inaad hantiile noqon kartid. Waa inaad go’aansataa inaad hanti badan shaqaysatid.

Nasiib daro, dadka qaar baa hantida wax xun u arka. Lacagtu waa agab un. Ma xuma mana fiicna. Sidaad u isticmaashid ayaa xun ama fiican. Hadaad si fiican u isticmaashid, qoyaas intee wanaag aduun iyo aakhiro ayaad u isticmaali kartaa.

Sidaa daraadeed, go’aanso inaad lacag badan shaqaysatid. Aamina inaad u qalantid inaad hantiile noqon kartid. Waad u qalantaa inaad nolol qurxoon ku noolaatid. Maxaa kuu diidan?

Sir aan kuu sheego. Qaabka ugu fiican ee maanta lacag loo sameeyo waa Internet-ka. Eraygaa meel ku qoro. Waxa ugu muhiimsan ood samayn kartid waa inaad baratid sida internet-ka looga shaqaysto. Taasina waa hadafka aan u sameeyay website-kaan. Hadii aan Soomaali nahay badankeena ma naqaan sida internet-ka looga shaqaysto. Badankeenu inaan waqtiga ku dhumino ayaan u isticmaalnaa. Sababtaas yaan Website-kan ugu sameeyay inan dhalinyarada Soomaaliyeed ku baro siday internet-ka oga shaqaysan lahaayeen.

Waxaa jira qaabab badan oo internet-ka lacag looga sameeyo. Dooro midka aad jeceshahay kuna dadaal ilaa aad ka miro dhalisid.

Qaababka ugu caansan waa blogging. Halkan ka akhris sida blogging lacag looga sameeyo.