Cilmi baaris ay samaysay jaamacada Dominican University of California ayaa daaha ka fayday in xariir toosa uu ka dhexeeyo ahdaaf dhigashada iyo guul gaarida nolosha.
Inaad ahdaaf leedahay waa tilaabada koobaad ee nolosha guul lagu gaaro. Ahdaaftu waxay nolosha u yeelaan macne iyo dhadhan. Waxay kugu jiheeyaan waxaad jeceshahay taasoo noloshaada ka dhigta mid xiiso leh.
Laakiin muhiimada maahan dhigashada ahdaaf oo kaliya. Waxaa kaloo muhiim ah sidii aad u xaqiijin lahayd hadafyadaas.
Hadaba waa maxay hadaf (goal)? Waa maxay hadaf dhigasho (goal setting)? Sidee ahdaaf loo dagsadaa laguna gaari karaa? Su’aalahan iyo kuwo la xiriira ayaan qormadan jawaabahooda oga bogan doontaa Insha’Allah.
Waa Maxay Hadaf?
Hadaf (goal) waa shay aad jeceshahay inaad gaartid. Waa natiijo aad jeceshahay ood qorshaysatay kana shaqaynaysid gaarideeda.
Waa Maxay Hadaf Dhigasho ( Goal Setting)?
Hadaf dhigashadu waa qaabka aad ku doonaysid wax aad jeceshahay inaad gaartid. Sidaas ayay dadka badankoodu ku qeexaan. Inkastooysan qaldanayn, hadana waxaa ka muhiimsan inaan si kale u fiirino.
Intii aad iswaydiin lahayd guusha aad rabtid inaad gaartid, iswaydii inta caqadab iyo culays aad u diyaarsantahay inaad xamishid. Inaad hadaf dagsatid way fududahay. Ma qof baa jira aan jeclayn inuu buug fiican qoro, miisaan iska dhimo ama siyaadsado ama lacag badan sameeyo ama jirkiisa uu sifiican u dhiso? Qofkasta wuu jecel yahay inuu gaaro guulahaas. Su’aashu waa inaad diyaar u tahay inaad aqbalaysid juhdiga ay u baahantahay gaarida ahdaaftaadu. Qof kasta wuu jecel yahay inuu bilad orad ku guulaysto. Laakiin dad yar ayaa u diyaarsan inay u tababartaan sida oradyahay Mo Farah oo kale.
Hada waxaan isla garanay fahanka koobaad. Hadaf dhigashada ma’ahan kaliya doorashada guusha aad jeceshahay inaad ku raaxaysatid. Sidoo kale waa aqbalida juhdiga iyo hurida ay tahay inaad bixisid si aad u gaartid hadafkaa.
Ka akhris halkan sida ahdaaftaada loo xaqiiiyo
Farqiga u Dhexeeya Systems (Qorshe) iyo Goals (Ahdaaf)
Waa muhiim sidoo kale inaad kala fahantid systems iyo goals. Tusaale aan ku sharaxno.
Hadii aad tahay qoraa, hadafkaagu(goal) waa inaad qortid buug. Qorshahaagu(system) waa bogoga iyo qormooyinka aad maalin kasta qoraysid.
Hadii aad tahay ciyaaryahan, hadafkaagu waa inaad koobka ku guulaysatid. Qorshahaagu waa tobobarka iyo aalamiitada aad maalin kasta samaynaysid.
Hadii aad tahay ganacsade, hadafkaagu waa inaad dhisatid ganacsi. Qorshahaagu waa nidaamkaaga iibinta iyo suuq-gaynta.
Ahdaaftu waxay kaa cawinayaan inay ku jiheeyaan. Qorshuhu wuxuu kaa caawinayaa inaad horu socod samaysid. Xaqiiqdii faa’iidada ugu wayn ee ahdaaftu wa inaad ku ogaatid nooca qorshe eed u baahantahay. Laakiin qorshuhu waa waxa natiijada ku gaarsiinaya.
Tani waxay na siinaysaa fahankeena labaad. Ahdaaftu waxay go’aanshaan jihadaada. Qorshayaashu waxay jaan gooyaan horu socodkaaga.
Muhiimada Goal Setting
Muhiimada ugu wayn ee hadaf dhigashadu waa inay macne u yeelaan noloshaada. Markaad hadaf iyo meel aad tiigsanaysid aad leedahay, waxaad taqaanaa waxa aad rabtid inaad gaartid. Taasi waxay kugu dhiiri galinaysaa inaad ficil ku dhaqaaqdid. Waxa ku dareensiinaysaa waxqabad markaad xaqiijisid. Ahdaaftu waxay kaa caawinayaan inaad noloshaada si guud ahaaneed u qiimaysid jihaday u socoto. Waxay kuu fududaynayaan inaad mustaqbalkaaga hanatid ood go’aan ka gaartid.
Hada waxaan rajaynayaa inaad fahantay sidee ahdaaf loo dagsadaa aadna ku camal fali doontid. Guul InshaAllah!
Ka akhriso halkan passive income ideas aad lacag online ka oga samaysan kartid