Sidee YouTube Lacag Looga Sameeyaa

Sidee YouTube Lacag Looga Sameeyaa

YouTube waa goobta labaad ee ugu booqashada badan Google kadib, tira ka badan 122 million oo qofna ay isticmalan maalin kasta kuwaasoo daawada 5 billion oo videos ah maalin kasta. Hadaba sidee YouTube lacag looga sameeyaa?

Hadii aadan horay u ogayn, YouTube waa mid kamid ah qaababka ugu fiican ee internet-ka lacag looga sameeya. Malaayiin shaqsi ayuu u yahay il dhaqaale joogto ah ay ka sameeyaan. Dadka Soomaalidana baryahan danbe aad bay ugu soo badanayeen. Inkastoo badankoodu wax tayo leh ku soo gudbin, hadana qofkii wax dadka anfacaya usoo gudbiya horumar fiican buu ka gaari karaa.

Hadii aad rabtid inaad bilowdid YouTube si aad lacag oga samaysid, xagaan waxaan kugula wadaagayaa qaababka aad ugu guulaysan kartid iyo shuruudaha lagaaga baahanyahay.

Si aad YouTube lacag oga samaysid, kadib markaad YouTube channel-kaaga samaysatid waa inaad dhawr shuruud buuxisid.

  1. Waa inaad gaartid 1,000 subscribers.
  2. Waa in 4,000 oo watch hours ah aad heshay 12 kii bilood ee u danbaysay.
  3. Waa inaad aqbashid YouTube Partner Program (YPP)

Markaad sadexdaas qodob buuxisid, kadib waxaad bilaabi kartaa inaad YouTube channel-kaaga lacag ka samaysi

Halkan ka akhriso freelancing sida loogu shaqaysto lacagna looga sameeyo

Qaabkee YouTube Lacag Oga Samayn Kartaa

Waxaa jirta qaabab badan ood YouTube lacag oga samayn kartid, laakiin halkan waxaan kugula wadaagayaa sadexda qaab ee ugu fiican.

Advertisement

Qaabka ugu fudud ood YouTube aad lacag oga samayn karto waa inaad furato xayiisiimaha Google ee AdSense. Waxaad kaloo xayiisiimo u samayn kartaa shirkado adoo muuqaalada soo dhex galinaya. Si aad xayiisiimaha lacag badan oga samaysid, waa inaad heshaa views badan.

YouTube celcelis ahaan halkii view wuxuu ku bixiyaa $0.018. Taasoo ka dhigan clecleis ahaan $18 kunkii views.

Affiliate Marketing

Affiliate Marketing waa inaad products aad isticmaashid ama jeceshahay aad xayiisiin u samaysid kadib waxaad helaysaa commission iib kasta ood samaysid.

Waxaad ka samayn kartaa muuqaal badeecadaas ama waxaad ku dhex dari kartaa muuqaaladaada. Daawadayaashana waxaad ku dhiiri galinaysaa inay alaabtaa gataan.

YouTube Shorts

YouTube shorts waa barnaamij ay dhawaan soo kordhisay YouTube kaasoo dadka YouTubers ka ah u ogolaanaya inay dadka la wadaagaan muuqaalo gaagaaban (60 ilbitiqsi ama ka yar). Faaiidada Shorts waa inay helaan views aad oga badan muuqaalada kale. Tasina waxay kaa caawinaysaa in channel-kaaga dad badan uu gaaro views badana helo. Arintaas ok kor usii qaadaysa dakhliga aad ka samayn kartid channel-kaaga.

Ka akhriso halkan sida Google Ads lacag looga sameeyo