Sidee U Shaqeeyaa Adsense

Hadii aad blog leedahay ood AdSense adeegsatid ama aad ku tala jirtid inaad samaysatid blog, waa muhiim inaad fahantid Adsense. Qormadan waxaan kugula wadaagayaa sidee u shaqeeyaa AdSense

Si aad AdSense lacag oga samaysid, waxaad u baahanytahay inaad u qaadid tilaabooyibkan say ukala horeyaan:

  1. Ugu horayn waa inaad leedahay website ama blog kuu gaara ood adigu leedahay
  2. Waa inaad kusoo gudbisaa content ama macluumo waxtar leh
  3. Waa in uu traffic fiican helaa bloogaagu ama ay dad badan u soo booqdaan si joogto ah
  4. Kadib waxaad iska diiwaan galinaysaa AdSense waxaadna ka booqan karta linkigan
  5. Markaad account samaysatid kadib waxasd copy dhahaysaa code ay ku siinayaan kadibna waxaad ku daraysa website-kaaga
  6. Kadib waxaad dalbanaysaa in laguu furo xayiisiimaha.
  7. Ogow aqbalaadooda si fudud laguma helo sababtoo ah dad khuburo ah qiimaynaya website-kaaga. Hadii aad shuruudogkoda buuxosay, si dhib la’aana ayay kugu soo aqbalayaan.
  8. Hadii kalena waxay ku leeyihiin laguma aqbalin ee waxaad ee waxaas iyo waxaas baa kaa qaldan ee iska sax. Kadibna mar labaad ayaad codsan kartaa. Haday msrka koobaad kusoo aqbali waayaan haka niyad jahin sababtoo ah dadka badankooda msrka kobaad masoo aqbalaan.
  9. Markay kusoo aqbalaan kadib, si automatic ah ayay Google ads (xayiisiimo) usoo saaraysaa website-kaaga
  10. Kadibna ‘hurrah’ waxaadba bilaabaysaa inaad lacag ka samaysid xayiisiahaa ku ku dhex jira bloogaaga.

Ka akhriso halkan qaabkee blogging lacag looga sameeyaa adoo AdSense adeegsanaya

Maxay Lacagta Kuu Siinaysaa Google

AdSense waxay u shaqaysaa dhexdhexaadiye adiga iyo shirkadaha in wax loo xayiisiiyo raba.

Shirkadaha waawayn ayaa lacag badan kusiiya Google inuu alaabahooda u xayiisiiyo. Google-na adiga ayay heshiis kugula galaysaa inay website-kaaga xayiisiimo soo dhigto. Qandaraaskii ay soo qaadatayna 68% ayay ku siinaysaa.

Qaabkee Lacagta Kuugu Xisaabinaysaa AdSense

AdSense wuxuu xisaabiyaa xayiisimahaaga inta qof ee click ku samaysay ama ku dhufatay. Wuxuuna ku xisaabiyaa nidaam la dhaho CPC ama Cost Per Click. Taasoo ah inuu iskugu kaa dhufto halkii click qiimihiisa iyo inta click aad heshay.

Qiimaha halkii click waxay u dhaxayn kartaa $0.25 ilaa $15, badanaa waxayna noqotaa in ka yar $3.

Sidee Lacag Fiican Oga Samayn Kartaa AdSense

Si aad lacag fiican oga samaysid AdSense, waxa ugu muhiimsan ood u baahantahay waa traffic ama tirada dadka soo booqanaya website-kaaga inay badanyihiin. Markasta oo booqadayaasha website-kaaga bataan, waa markasta oo xayiisiimahaaga ay dad badan arki karaan kuna dhufan doonaan. Taasoo macnaheedu tahay inay badanayso lacagta aad ka samayn katid website-kaaga.

Waxaad kaloo u baahantahay inaad si fiican u fahantid AdSense iyo sida ay u shaqayso. Waa inaad kala fahantid CPC, EPM, Clicks iyo metrics ka kala duwan ee ay isticmaasho AdSense

Ka akhriso halkan qaab kale oo online ka lacag looga sameeyo