Waa Maxay Google AdSense Sideena Lacag Looga Sameeyaa

AdSense waa mid ka mid ah qaababka ugu fudud ee internet-ka lacag looga sameeyo. Hadii aad leedahay blog/website, AdSense waa isha koobaad ood dakhli ka samayn kartid bloogaaga. Hadaba waa maxay Google AdSense ?

AdSense waa barnaamij free ah oy iska leedahay shirkada Google kaasoo u ogalaada dadka websites-ka iska leh inay kusoo bandhigaan website-kooda xayiisiimo oo ay lacag ka sameeyaan xayiisiimahaa. Sanadkasta waxay bixisaa in ka badan $10 billion ooy siiso ku dhawaad 10 million oo publishers ah.

Maxay Lacagta Kuu Siinaysaa Google

Waa Maxay Google AdSense Sideena Lacag Looga Sameeyaa

AdSense waxay u shaqaysaa dhexdhexaadiye adiga iyo shirkadaha in wax loo xayiisiiyo raba.

Shirkadaha waawayn ayaa lacag badan kusiiya Google inuu alaabahooda u xayiisiiyo. Google-na adiga ayay heshiis kugula galaysaa inay website-kaaga xayiisiimo soo dhigto. Qandaraaskii ay soo qaadatayna qayb ayay ku siinaysaa.

Ka akhriso halkan: sidee blog loo samaystaa lacagna loga sameeyaa AdSense.

Sidee U Shaqaysaa Adsense

Si aad AdSense lacag oga samaysid, waxaad u baahanytahay inaad u qaadid tilaabooyibkan say ukala horeyaan:

  1. Ugu horayn waa inaad leedahay website ama blog kuu gaara ood adigu leedahay
  2. Waa inaad kusoo gudbisaa content ama macluumo waxtar leh
  3. Waa in uu traffic fiican helaa bloogaagu ama ay dad badan u soo booqdaan si joogto ah
  4. Kadib waxaad iska diiwaan galinaysaa AdSense waxaadna ka booqan karta linkigan
  5. Markaad account samaysatid kadib waxasd copy dhahaysaa code ay ku siinayaan kadibna waxaad ku daraysa website-kaaga
  6. Kadib waxaad dalbanaysaa in laguu furo xayiisiimaha.
  7. Ogow aqbalaadooda si fudud laguma helo sababtoo ah dad khuburo ah qiimaynaya website-kaaga. Hadii aad shuruudogkoda buuxosay, si dhib la’aana ayay kugu soo aqbalayaan.
  8. Hadii kalena waxay ku leeyihiin laguma aqbalin ee waxaad ee waxaas iyo waxaas baa kaa qaldan ee iska sax. Kadibna mar labaad ayaad codsan kartaa. Haday msrka koobaad kusoo aqbali waayaan haka niyad jahin sababtoo ah dadka badankooda msrka kobaad masoo aqbalaan.
  9. Markay kusoo aqbalaan kadib, si automatic ah ayay Google ads (xayiisiimo) usoo saaraysaa website-kaaga
  10. Ama adiga ayaa dooranaya nooca ads aad rabto iyo halka ay ka soo muuqanayaan
  11. Kadibna ‘hurrah’ waxaadba bilaabaysaa inaad lacag ka samaysid xayiisiahaa ka soo muuqan doona bloogaaga.

Qaabkee Lacagta Kuugu Xisaabinaysaa AdSense

AdSense wuxuu xisaabiyaa xayiisimahaaga inta qof ee click ku samaysay ama ku dhufatay. Wuxuuna ku xisaabiyaa nidaam la dhaho CPC ama Cost Per Click. Taasoo ah inuu iskugu kaa dhufto halkii click qiimihiisa iyo inta click aad heshay.

Qiimaha halkii click waxay u dhaxayn kartaa $0.25 ilaa $15, badanaa waxayna noqotaa in ka yar $3

Ka akhriso halkan sida ecommerce ganacsi loo bilaabo lacagna looga sameeyo

Sidee Lacag Fiican Oga Samayn Kartaa AdSense

Si aad lacag fiican oga samaysid AdSense, waxa ugu muhiimsan ood u baahantahay waa traffic ama tirada dadka soo booqanaya website-kaaga inay badanyihiin. Markasta oo booqadayaasha website-kaaga bataan, waa markasta oo xayiisiimahaaga ay dad badan arki karaan kuna dhufan doonaan. Taasoo macnaheedu tahay inay badanayso lacagta aad ka samayn katid website-kaaga.

Waxaad kaloo u baahantahay inaad si fiican u fahantid AdSense iyo sida ay u shaqayso. Waa inaad kala fahantid CPC, EPM, Clicks iyo metrics ka kala duwan ee ay isticmaasho AdSense

Gunaanad

AdSense runtii waa qaab fudud oo qofkasta oo blog leh uu lacag oga samayn karo website-kiisa. Marka koobaad waa inaa ku dadaashid inaad aqbalaadooda heshid. Markaad ku guulaysatidna waa inaad juhdi badan galisaa inaad traffic fiican u heshid website-kaaga. Taasi waxay kuu suurtagalinaysaa inaad lacag badan ka heshid dadka badan ee mareegtaada soo booqanaya.

Ka akhriso halkan: sidee online ka dakhli fiican looga sameeyaa