Passive Income waa qaabka ugu fiican eed dakhligaaga kor ugu qaadi kartid. Dakhli shaqadaada ka dhaari ayaad ku helaysaa kaasood u isticmaali kartid inaad noloshaada ku horumarisid. Faa’iidada ugu wayn ee passive income waa inaad ku helaysid xoriyad dheeri ah. Hadaba qormadan waxaan kugula wadaagi doonaa 5 passive income ideas ood bilaabi kartid si aad dakhligaaga u siyaadisid isku filnaansho dhaqaalena u gaartid.
Waa Maxay Passive Income
Passive Income (Dakhli Dadban) waa dakhli kasta oo la kasbado ayadoon si joogto looga shaqaynaynin. Waa dakhli helidiisu aysan u baahnayn waqti iyo hawl taagan ah.
Passive Income waa caksiga active income oo ah dakhliga helidiisu u baahantahay shaqo iyo waqti joogto ah. Tusaale shaqada uh qofku ka shaqeeyo shirkad ama xarun kale waa active income. Sababtoo ah si qofku uu lacag u helo waa inuu si joogto ah u yimaado shaqada.
Laakiin passive income waa dakhli aad marka hore waqti iyo hawl galinaysid wixii la danbeeyana aan u baahnayn hawl joogto ah.
Markaad shaqaale tahay wqxaad waqtigaaga ku gadanaysaa lacag. Laakiin passive income waxaad lacag kusoo galaysaa adoo aan shaqaynayn oo dalxiis ku maqan ama asxaabtaada waqi la qaadanayo.
Halkan ka akhriso qaabka passive income loo samaysto si fudud.
Passive Income Ideas
1. Blogging
Blogging waa midka mid ah qaababka ugu fiican ee internet-ka lacag looga sameeya.
Xirfadan blogging waa inaad samaysatid website aad kusoo gudbisid qoraalo kadibna markay dad kusoo xirmaan qaabab kal duwan ayad lacag oga samayn kartaa sida inaad xayiisiimaha AdSense u furatid.
Waa xirfad barashadeedu iyo ku shaqaysigeedu fududyihiin. Waxaana siid dheer intaas waxaad ka helaysaa dakhli passive income ah.
Marka hore ee bilowgaa waxay u baahantahay waqti iyo juhdi badan, laakiin markad ku guulaysatid waxaad bishii $100 iyo kabadan ku samayn kartaa si passive ah oo dhib yar.
Halkan ka akhriso qaabka blogging lacag looga sameeyo
2. YouTube Channel
Inaad YouTube channel samaysatid ayana waa qaab kale ood internet-ka lacag fiican oo passive ah oga samayn kartid. YouTube waa meesha labaad ee internet-ka loogu isticmaalka badanyahay dakhli fiicana waa laga samayn karaa.
Dabcan YouTube Channel ka shaqaysigiisu marka hore wax fudud maaha oo waxay u baahantahay waqti iyo juhdi bafan. Laakiin marka channel-kaaga noqdo mid caana, inaad bishii lacag badan ka samaysid wax dhib ah maaha.
Halkan ka akriso qaabka YouTube lacag looga sameeyo
3. Online Course
Aqoontaada iyo khibradaada waxaad u badali kartaa dakhli joogto ah adoo adeegsanaya internet-ka. Samaynta koorso waxay noqon kartaa mashruuc dakhli badan ku soo galiya. Sidoo kale waa dakhli passive ah oo markaad s!maysid shaqo badan gadaal ogama baahna wax yar maahane.
Hadii ay baraha bulshada dad badan kaaga xiranyihiin, way fududahay inaad online course dakhli fiican ka samaysid. Laakiin hadii kale inaad samaysatid bay noqonaysaa ama course-kaaga marketing u samaysid.
4. Affiliate Marketing
Affiliate Marketing waa nooc suuqgayn ah taasoo aad product xayiisiin u samaynaysid markii qof gatana aad lacag commission ah ku helaysid.
Waa passive income aad u hawl yar sababtoo ah adi inaad product samaysid ama macmiil gasrsisid uma baahnid. Kaliya waa suuqgayn bad u samayn, iibkasta ood samaysidna lacag baad ka samaynaysa.
Hadii aad leedayah website ama YouTube hawshan suuqgaynta aad bay u fududahay. Kaliya muuqaaladaada ama qormooyinkaaga baad ku dhex daraysaa hawl kalena kaagama baahna.
Ka akhriso halkan sida affiliate marketing loogu shaqaysto qaab freelancing ah
5. Dropshipping
Dropshipping ayana waa nooc kale oo online business ah kaasoo aan u baahnayn hawl aad u badan.
Ganacsiga dropshipping waa inaad dukaan online ah samaysatid kadibna aad ku iibisid badeecooyin kala duwan.
Laakiin badeecooyinka inaad adigu haysid uma baahnid ama aad macmiisha u gaysid.
Waxaad heshiish la galaysaa supplier alaabta laga soo dalbado dulaankaagana asaga ayaa macmiilka u gaynaya. Alaabta qiima uu gado supplier ku ayaad wax ku darsanaysaa halkaas ayaadna faaiidada ka helaysaa.
Tusaale shay u gado $10 ayaad gadaysaa $20, faaiidada kuu saarana waa $10. Sidad ayaad dakhli oga samayn kartaa
Halkan ka akhriso qaabka dropshipping looga shaqaysto lacagna looga helo