2024 Best Skills

2024 Best Skills

Ma doonaysaa in aad isbadal samaysid sanadkan 2024? Akhriso qormadan ku saabsan 2024 best skills

Hadii aad tahay qof dhalinyaraa oo raba inuu ku sameeyo noloshiisa isbadal la taaban karo, qormadan waa taadii. Waxan kula wadaagayaa 7 xirfadood oo hadii aad labo ama sadex ka mid ah aad baratid noloshaada wadada guusha u jihaynaya.

Laakiin si aad isbedel u samaysid kow waa inaad naftaada aamintaa. Waa inaad aamintaa inaad leedahay awooda aad ku gaari kartid ahdaaftaada iskana ilaalisaa fikradaha qaldan ee gadaal kuu dhigaya.

Hadaba si aad sanadkan isbedel wax ku ool ah u samaysid, awooda ugu wayn saar sidii aad xirfadahaaga iyo aqoontaada aad u kordhin lahayd. Qofba intuu qof ka xirfad badanyahay wuu ka fursado badan yahay. Hadii aan nahay dhalinyarada Soomaaliyeedna xirfaduhu badankeena aad bay noogu yaryihiin ama maba lihin. Waxaa badan dhalinyaro badan oo sanadkasta kumanaan ayakoo ah kasoo qalinjabiya jaamacadaha ayakoo wata shahaadoiyin kala duwan. Laakiin maanta cidna qiimayn mayso inta shahaado ood wadatid ee waxaa lagugu qiimayn inta xirfado muhiima aad leedahay.

Xirfadaha Ugu Muhiimsan Sanadkan

Hadaba si aadan kumanaankaa dhalinyarada shaqo la’aantaa ugu darsamin maxaa lagaa rabaa?

Waxaa lagaa rabaa inaad isku qalabaysid barashada aqoon waxtar leh oo la jaanqaadi karta aduunka casriga ah.

Sidaa daraadeed ayaan kuula wadaagaya 7-dan xirfadood ee muhiimkaa oo ku anfacaya maanta iyo mustaqbalkaba.

Dhaamaan waa xirfado aad online-ka oga shaqaysan kartid dakhli fiican ku heli kartid.

Xirfada koobaad waa:

1. Video Editing

Xirfada video editing ama muuqaal habayntu waxay noqotay xirfad aad baahideedu u badatay sanadahan danbe. Sababta ugu wayna waa in qaabka ugu badan ee maanta macluumaad la iskula wadaago waay noqotay qaab muuqaal ah. Dadkuna waxay jecel yihiin muuqaalo gaagaaban oo xiiso leh oon lagu caajisayn. Sidaa daraadeed ayuu ku qasban yahay qofkasta oo dadka muuqaalo la wadaago inuu u baahdo video editors. Waxay sidoo kale ku bixiyaan lacag badan maadaama ay muhiim u tahay horumarkooda.

Hadaba si aad xirfadan u baratid waxay u baahantahay waqti iyo juhdi badan inaad galisid. Waxaad baran kartaa applications ka fudud sida CapCut. Waxaad kaloo baran kartaa Premier Pro si aad muuqaalo professional ah u samaysid.

Xirfadan waxaad ku samayn kartaa $20-$25 halkii muuqaalba.

2. Web Development

Samaynta website-yadu ayana waa xirfad aad u muhiim ah baahideeduna markasta kor usii kacayso.

Sidoo kale waa xirfad barashadeedu aad u fududahay runtii. Wagii hore si aad website u samaysid aad bay u adkayd waxaana qasab ahayd inaad coding ama programming taqaanid. Waxay kaloo qaadan jirtay waqti iyo hawl badan. Laakiin maanta sidaas oo dhan uma adka. Waxaad website aad u qurxoon oo dhamaystiran ku samayn kartaa saacado ama ka yar. Taasna waxaa fududeeyay platforms-ka sida WordPress iwm.

3. Graphic Design:

Xirfada Graphic Design ama naqshadaynta waa xirfad aad u qaali ah. Qofka xirfadan yaqaan wuxuu diyaariyaa designs qurxoon oo soo jiidasho leh. Waxa aad ugu shaqaysan kartaa qaab freelancing ah. Waxaad kaloo ugu shaqaysan kartaa inaad contract la gashid dad u baahan in shaqooyinka kala duwan ee naqshadaynta loo qabto sida logo design, product design, packaging design, branding iwm.  

Si aad ugu shaqaysatid xirfadan waxaad baran kartaa softweerada sida Photoshop, Illustrator iyo InDesign. Ama waxaad adeegsan kartaa Canva oo ah website aad u fududeeyay shaqada design ka. Canva waxaad designs qurxoon ku diyaarin kartaa daqiiqado gudahood. Runtii waa game changer qofkasta oo designer ahna aad bay Canva u anfacaysaa.

Ka akhriso halkan sida graphic design loogu shaqaysto lacagna looga sameeyo.

4. Blogging

Xirfada blogging runtii waxaan dhihi karaa waa xirfada ugu muhiimsan ood baran kartid sanadkaan. Blogging waa qaabka ugu fudud ee qof Soomaaliya uu maanta internet-ka uga shaqaysan karo  lacag fiicana oga samayn karo.

Blogging waa inaad samaysatid website aad adigu leedahay kadibna aad kusoo gudbisid qormooyin. Kadib waxaad codsanayaaa barnaamijka Google Adsense hadaad dhawr shardi aad buuxisana way ku aqbalayaan. Kadib waxay u furayaan website-kaaga xayiisiimo aad lacag ka samaynaysid. Qof kasta oo arka ama ku dhifta xayiisimahaa waxaad ku helaysaa lacag. Hadii website-kaag dad badan ku xiranyihiin, maalintii waxaad ka samayn kartaa $20- $30, bishiina in kabadan kun doolar.

Ka akhriso halkan sida blogging lacag looga sameeyo

Si aad website u samaysatid waxaad isticmaali kartaa WordPress. Hadii aad u baahantahay in website qurxoon oo professional ah laguu sameeyana waad nala soo xiriiri kartaa.

5. Digita Marketing

Digital Marketing ama suuqgaynta digital ka ah waa xirfad aad u muhiima fursadeheeduna sareeyaan. Baahida loo qabo markasta way sii badanaysaa maadaama aduunku digital sii noqonayso. Hadii waayihii hore xayiisiimaha loo adeegsan jiray idaacadaha, tiifiiyada iyo wargaysyada, maanta meesha ugu badan ee wax lagu xayiisiiyo waa baraha bulshada. Sidaa daraadeed, ganacsi kasta wuxuu u baahanyahay inuu si online ah wax u xayiisiisto. Taasina waa shaqada digital marketers. Waxay wax ku xayiisiiyaan Facebook Ads, Google Ads, YouTube Ads, iwm.

Ka akhriso halkan sida digital marketing lacag looga sameeyo

6. Programming

Programming waa mid kamid ah xirfadaha ugu qiimahada badan eed baran karto maanta. Waana xirfada loogu baahi badnaan doono mustaqbalka. Nasiib daro Soomaalida dhexdeeda waa ay ku yartahay xirfadan in kastoo baryahan danbe ay soo badanayeen dadka Soomalida ah ee xirfadan leh.

Programming waa barashada sida ‘loola hadlo kumbuyuutarada’ ayadoo la adeegsanayo ‘coding’ ama luuqada kumbuyuutarka. Si aad xirfadan u baratid waxaa waajib ah inaad baratid luuqad ka mid ah luuqadaha kumbuyuutarada. Luuqada ugu fudud, ugu caansan looguna adeegsiga badanyahay waa Python.  Waxaad si bilaasha ah oga baran kartaa websites badan sida FreeCodeCamp iyo CodeAcademy. Waxaad sidoo kale ka baran kartaa YouTube channel-ka CS50x ooy leedahay jaamacada Harvad.

Dadka programmes-ka ah waxay sameeyaan lacag dhan $10k-15k bishii. Marka waxa la dhihi karaa waa xirfad ugu qiimaha  saraysa qarnigan tiknolajiyada si hormaraysa owgeed.  

Ka akhriso halkan sida ugu fudud ee programming lagu barto.

7. Artificial Intelligence

Artificial Intelligence (AI) ama caqliga macmalkaa waa horumar tiknolaji oo wax badan ka badalay gabi ahaan nolosha bini’aadamka maadaama tiknolajiydu noqotay qayb kamid ah nolosheena.

AI waa tiknoloji fursado aan xad lahayn leh. Qofkii bartana wuxu noqonayaa qof la jaanqaadi kara mustaqbalka.

AI waxay ku socotaa horumar xawli sare leh waxana ibofur u noqday ChatGPT.

Chatgpt waxay isbadal wayn ku samaysay sida dadku ula falgalaan tiknolajiyada.  Waxaad u isticmali kartaa inay kuu fududayso barashada dhamaan xirfadihii aan kasoo hadalnay.

Sidaa daraadeed, fahanka iyo barashada AI-gu waa mid noloshaada faa’iido wayn kusoo kordhin doonta wax badana kuu fududayn doonta. Waxaan kugu dhiiri galinayaa inaad awooda saartid barashada adeegsigeeda.

Gunaanad

Ugu danbayntii waxaan kugu dhiirrigalinayaa inaad go’aan ku gaartid inuu sanadkan 2024 kuu noqdo sanad aad noloshaada wax badan ka badashid. Arinka ugu muhiimsan waa go’aan qaadasho iyo inaad ka go’naan leedahay. Isbedelku wuxuu ka bilowdaa maskaxda. Positive mindset inaad lahaatid isku tababar. Afkaaraha iyo aaminaadaha hoos kuu dhigayana maskaxdaada kala dagaalan.

Sidoo kale isku dhex yaaca iyo qorshe la’aanta iska ilaali. Hal ama labo shay diirada saar kuwaasna juhdi badan gali.

Markastana Allah talo saaro xarigiisana adkayso. Guul daro arki mayside. Waxaan kuu rajaynayaa guul aduun iyo mid aakhiroba. 🤲