Ma leedahay ahdaaf aad jeceshahay inaad waqti yar ku xaqiiisid laakin ma iswaydiisaa sidee ahdaftaada loo xaqiijiyaa? Halkan waxaan kugula wadaagayaa 10 farsamo ood u isticmaali kartid inaad hadaf kasta ood leedahay aad ku xaqiijisid.
1. Xadidi Hadafkaaga
Mid kamid ah caqabadaha ugu wayn ee hortaagan gaarida hadafkaaga waa ahdaafta kale eed leedahay! Khuburada cilmi nafsigu waxay ku magacaabaan arintan ‘goal competition’ ama ‘tartanka ahdaafta’.
Si kale hadaan u dhigno, ahdaaftaadu waxay ukala tartamayaan waqtigaaga iyo dareenkaaga. Markasta ood hadaf cusub bilowdid ka shaqayntiisa, waxaad awooda iyo diirada ka soo leexinaysaa kuwo kale.
Laakiin warka farxada leh ma taqaan? Waa in qaabka aad sida ugu fudud u gaari kartid hadafkaaga ay tahay inaad diirada ka qaadidi waxaan muhiim ahayn. Halkii marba hal hadaf ka shaqee. Si aad taas u samaysid, waa inay kuu kala cadyihiin priority-gaaga ama waxa kuu muhiimkaa iyo waxa kale. Uma baahnid inaad dagsatid ahdaaf badan. Waxaad u baahanytahay inaad diirada saartid kuwa kuu muhiimkaa.
Badanaa marka aan ku guul daraysano garida ahdaafteena, waxaan aaminaa in ahdaafta wax ka qaldanaayeen. Laakiin waxa qaldan ma aha goal setting-keena ee waa goal selection-keena.
2. Dagso Ahdaaf SMART ah
Hadii aysan ahdaaftaadu SMART ahayn, way adagtahay inaad gaartid. Hadii aadan horay u maqlin, ahdaafta SMART-kaa wa:
Specific – waa inuu hadafkaagu noqdaa mid cad oo cayiman. Cilmi baarisyo badan waxay cadeeyeen in ahdaafta cayiman ay 90% ka waxtar badanyihiin ahdaafta aan cayimaneen ama ka darane ahdaaf la-aanta.
Tusaale hadafka ah ‘waa inaan bishan wax akhriyaa’ ma han mid cayiman. Laakiin markaad dhahdid ‘waa inaan bishan hal buug akhriyaa’ waa cad yahay hadafkaasi.
Measurable – markaad hadafka cayintid waa inaad cabiri kartaa gaaridiisa iyo hadba intaad u jiritd. Muhiim maahan inaad tirsi toosa ku cabirtid ee waa inaad si un u cabiri kartid inaad u dhawdahay iyo inaad ka fogtahay gaaridiisa.
Tusaalihii ‘waa inaan aalamiiteeyaa bishan’ ma ahan hadaf la cabiri karo. Ma hal mar baad rabtaa inaad gym-ka aadid mise 30 jeer?
Attainable – hadafka aad dagsanaysid waa inuu noqdaa mid ay suurtagal tahay inaad xaqiijisid. Tusaale hadii asd dhahdid bishan waxaan aqrinayaa buug, aadna ogtahay buugaa inaadan sina ku heli karin haday noqoto physical ama pdf midna, sidee ku akhrin kartaa buugaa? Suurto gal ma aha. Hadfkaagu ha noqdo mid aad gaari kartid.
Relevant – Hadfkaagu waa inuu noqdaa mid wax ku ool ah faa’iidana noloshaada u leh. Hadii aad dagsatid hadaf aan macno badan lahayn, waqtiga un buu kaa dhuminayaa ahdaaftii muhiimka ahaydna wuu kaa mashquulinayaa.
Tusaale inaad hadaf ka dhigatid inaad sanadkan 50 filin daawatid wax faaiido ah kugu soo kordhin mayso qasaare ma ahane. Waxayna kaa mashquulinaysaa ahdaafta muhiimkaa sida inaad 50 buug akhrisid sanadkaa.
Time-bound – Inaad ahdaaftaada dead-line u samaysid waxay kugu riixaysaa inaad ka shaqaysid. Marka ahdataafu waa inay noqdaan kuwo waqtiyaysan. Waa inaysan lahaan waqti aad u dheer ood ku iloowdid. Sidoo kalena waa inaysan lahaan waqti aad u yar oon waxba lagu qaban karin. Hadaf kasta sii waqti ku filan.
3. Kala Qaybi Ahdaaftada
Maadaama ay badanaa ahdaaftu qaataan waqti dheer, u kala qaybi si aad si fudud ugu gaartid.
4. Qor ahdaaftaada
Kaliya ha mala’awaalan ahdaaftaada, qaado qalin iyo warqad oo qor. Tani waxay kaaga dhigaysaa ahdaaftaada kuwo muhiima wayna ku dhiiri galinaysaa.
Jaamacada Dominican University of California ayaa daraasad cajiib ah ku samaysay muhiimada qorista ahdaafta. Natiijada soo baxday? Waxaa la ogaaday in dadka ahdaaftooda qorta ay kaga badnaayeen gaarista ahdaafta kuwa aan qoran.
5. Samayso Qorshe
Maqaalkan hore ee faahfaahsan oon oga hadalnay sida ahdaaf loo dagsado ayaan waxan kuso sharaxnay farqiga u dhexeeya hadaf iyo qorshe. Halkan ka akhriso si aad si fican ugu fahantid.
Hadaba markaad ahdaaftaada cayintid ood qaybo yar-yar ukal qaybisid, waa inaad dagsataa qorshihii aad ku gaari lahayd.
Qorshuhu waa tilaabooyinka aad maalinkasta qaadaysid si aad u gaartid hadafka. Markasta ood qorshaha qayb fulisid, waxaad helaysaa farxad iyo dhiiranaaan.
Tusaale hadii aad rabtay inaand bishan hal buug akhrisid, kaasi waa hadafka. Qorshuhu waa go’aaminta inta bog ood maalin kasta aqrinaysid. Waqtiga aad aqrinaysid. Goobta aad akhrinaysid, iwm.
6. Ficil Samee
Ahdaaftu ayaku iskama shaqeeyaan. Mar hadaad dagsatay qorshe cad, waa waqtigii aad ku dhaqaaqi lahayd fulintiisa. In hadaf iyo qorhse la dagsado ma adka. Waxaa adag waa fulintooda.
Dadka badankodu markii la joogo sanad cusub bilowgiisa waxay dagsadaan ahdaaf badan oo qurxoon, laakiin badankoodu wax ficil ah ma sameeyaan. Waxay arkaan sanadkii oo dhamaaday ayagoon hal hadafna xaqiijin. Sababtu waa maxay waligaa ma iswaydiisat? Maxaa kaa hor istaaga inaad ahdaafta aad qoritid aad gaartid? Jawaabti way fududahay. Wa ficil la’aanta!
Sidaa daraadeed waxaad u baahantahay inaad markasta isku dhiiri galisid inad ficil la timaadid ood qorshayaashaada ka shaqaysid. Si kasta ooy u yaraadaan xitaa ficil samayntu waxay dhaantaa ficil la’aanta.
Hadii aad maalinkasta 1% horumar ah samaysid, waxaad sandkii ka fiicnaanaysa 37% sidaad ahaan jirtay. 1% wax adag miyaa?
Markasta xasuusnoow, waa ficil la’aanta waxa kaa fashiliya gaarida ahdaaftaada.
Waxaad ahdaaf iyo qorshayaal dagsatay wax macnaa yeelan mahayaan hadaadan ka shaqayn.
7. Sii Saadaali Caqabadah Imanan Kara
Ogsoonow markasta inay caqabado ku qabsan doonaan. Sii odoros waxay noqon karaan, kana sii gaashaamo. Markaad caqabadaha sii saadaalisid ood xal usii diyaarsatid, hadhow culays wayn kuguma noqonahaan. Kaamana hor istagayaan gaarida ahdaftaada.
Ka akhriso halkan sida ahdaaf muhiima loo dagsado si sax ah.
8. Is Qiimee
Laga yaabee in aadan hadafkaaga ku gaarin waqtigii aad ugu talagashay. Laga yaabee inuh hadafkaagu waaqici uu noqon waayay. Waa caadi.
Intii aad niyad jabi lahayd, dib isku qiimee. Is waydii waxa qaldamay iyo sidaad ku sixi kartid. Qorshahaaga wax ka badal. Halkaasna halgankaaga kasii wad.
Qaladka ay dad badan sameeyaan waa in hadi ay hadaf gaari waayaan ay is dhiibaan. Maya! Dabinkaa ha ku dhicin. Dib iskugu noqo oo is qiimee, is badal samee horayna u sii soco.
9. Qof La Wadaag Ahdaftaada
Dadku su’aal ayay iska waydiiyaan inay sax tahay inaad ahdaaftaada qof kale la wadaagtid iyo inkale. Inaad qof kasta ahdaaftaada la wadaagtid sax maaha, laakiin inaad qof muhiim kuu ah la wadaagtid way fiicantahay.
Inaad isku daydid inaad kaligaa ahdaaftaada gaartid waxay ku dareensiin kartaa kalinimo iyo culays.
Laakiin inaad qof kale la wadaagtid waxay kaa caawinaysaa inaad inaad si joogtaa horu socod u smaysid.
10. Dabaaldag 🎊
Hadaf kasta u samee abaalmarin. Nafteenu waxay u shaqaysaa si cajiib ah marka loo balan qaado wax ay jeceshahay. Hadaba naftaada u balan qaad wax ay jeceshahay inaad siinaysid ama u qabanaysid markay xaqiijiso hadafka aad rabtid.
Waxay naftaadu jexeshahayna adiga oo kaliya baa ogaan kara. Ka fikir marka.
Gunaand
Waxaan raaynayaa inaad si fiican u fahantay sidee ahdaftaada loo xaqiijiyaa aadna ku camal fali doontid.
Ka akhriso halkan sida ahdaaf muhiima loo dagsado si sax ah.